Maxaa ka dhexeeya farriintii madaxweyne Muse ee “fartiina ayaa eersan doontaan” iyo Tacaddiyada Maamul ee uu Gaysanayo Madaxa Shaybaadhka ee Cisbitaalka Guud ee Hargeisa.

Sannadkan aan bar bilawgiisa joogno waxaan u rajaynayaa dhammaan shucuubta qoysaskeena, qaraaabadeenna, saaxibadeen, madaxda waddanka iyo dhammaan shacabkeennaba in Alle kalkan cusub uga dhigo mid ugu suntan badhaadhe, horumar, iyo ictiraaf aynnu ka helno walaalaheenna kale ee somaliyeed.

Xilli kastaa waayahiisa leh. Sannad kasta oo bilaabmaana cid wuu raali geliyaa qaarkalena wuu ka taag roonaadaa. Haa. Waa sidaa aan sheegay. Qofkasta oo dulmane ah haddii aanu helin cid dulmiga loo gaystay ugu garawda oo u hiilisa waxa uu noqonayaa dhibbane wakhtigu ka hiiliyey. Qofkasta oo maamulku ka xumaadaana waa uu riiqmayaa oo niyad ahaan iyo filasho ahaan ba waxa uu noqonayaa la dulmiye wakhtigu ka hiiliyey. Haddaba, bal ka warran qofka aan lahayn cid u hadasha oo maalin walba lagu dulmiyaayo carro uu ku uumanaa sannado. Maamulkii waxiisa gacanta ugu hayey hadduu dulmi kula kaco; yuu ula cabanayaa?. Jawaabtu waa cidna–ee sannadkaas iyo ammintaas waxa uu ku dhammaysanayaa is-ciilkaambi uu ka qaado madaxda uu doortay.

Ugu horrayn, qofkasta oo ku nool buqcaddan “Somaliland” waxaa uu xaq u leeyahay in uu dulmi diide noqdo ee aanu noqon biidhi qaato liita aakhiro iyo adduunba. Waxa uu xaq u leeyahay in haddii uu arko cid dulmi iyo ka badbadin wadda in uu gacanta qabto oo uu ka joojiyo dhibkiisa in ay cidgaara saamayso. Sidoo kale, qofkasta oo aqoon leh, magac leh, sumcadleh, ama qoraa ahiba in ay dulmanayaasha ugu hiiliso aqoontooda, kartidooda, iyo qalinkooda. Taas waxaan u leeyahay dhacdo aad iiga yaabisay oo igala kulantay maamulka qaybta shaybaadhka ee Cisbitaalka Guud ee Hargeisa. Dhacdadaas oo aad ii taabatay. Si’ fiican aan u dareemay ku tacaddii maamul dhibka uu leeyahay. Taas oo ii furtay albaab cusub. Haa. Waxaan ogaaday waxyaabo daahu saarnaa oo aanan mar hore la kulmin. Waxaan indhaha saaray dulmi ka dhan ah, dawladnimada Somaliland. Ku tacaddi maamul oo aan cid la xisaabtan ta aanay ka baqayn. Waa maamulka qaybta Shaybaadhka ee Cisbitaalka Guud ee Hargeisa. Bal suurayso adiga oo wax aad xaq u leedahay lagaa hor istaagay! Laguu diido!  Dhakhtarka waxaan shaqo-carbin ahaan ugu shaqaynaayey muddo bilo ah. Shaqo-carbintaydaa waxa qaybta ugu weyn ka ahayd Jaamacadda Hargeisa oo dhinac ah, Shaqodoon oo iyana dhinac ah iyo Cisbitaalka Hargeisa gaar ahaan qaybta shaybaadhka oo iyana dhinac ah. Shaqo-doon,  Jaamacadda Hargeisa mahadi haw sugnaatee way ka soo baxeen dhammaan shuruudihii nagaga xidhnaa. Haddaba, Cisbitaalka Guud gaar ahaan,  qaybta shaybaadhka waxaan kale kulmay shaqaalahooda soo dhowayn, wadashaqayn, iyo ixtiraam buuxa. Iyana mahad alle haw sugnaanto sida wanaagsan ee aanu uwada shaqaynay muddadii bilaha ahayd.
Markii la soo gaadhay kaalintii uu maamulka shaybaadhku ku lahaa shaqo-carbintayda  waxaan kale kulmay weji-gabax aniga ii noqotay khibrad. Waxaan kale kulmay in uu ku jiro xaalad ka badbadin ah oo ku salaysan maamulka uu bulshada uga haayo qaybta shaybaadhka. Waxaan kale kulmay in uu isu-qaatay in uu meesha isagu leeyahay oo kale ee aanay ahayn goob ka dhaxaysa Somaliland shacabkeeda oodhan. Waxa uu illaawaysanaa min madaxweyne, ilaa darbi-jiif in uu maamul uga yahay shaybaadhkan ee aanu isagu lahayn. Haa, intaas tolow muxuu ku illaway?.
Haddaba, anoo shahaadadaydii, ID carkii Jaamacadda, transcriptigii intaba ku sita bushqad ayaan la kulmay madaxa shaybaadhka. Waxaan u sheegay in aan dhammaystay shaqo-carbintii. Waxaan u sheegay in aan maanta ka rabo keliya caddayntii. Maad garanaysaa waxa uu iigu jawaabay?. May! Ma suuraysan kartid. Waxa uu iigu jawaabay, “Adeer waraaqda aad doonayso jaamacaddaada u doono. Maad ka socotay meel aan ahayn Jaamacadda Hargeisa?. Annagu ardayda Jaamacadda Hargeisa ma siinno waraaq caddayna. Jaamacaddaadii tag oo waraaqda u doono”. Anna waxaan idhi, “Dr waakan dhammaan documentigii aan jaamacadda uga baahnaa. Ee waraqda i sii shaqay igaga xidhantee”. Waxa uu iigu jawaabay, “Adeer wakhtiga hayga lumin ee i dhaaf, hadal danbena haygu soo celin”. Sidii baanan kaga tegay maalinkii dibna ugu maan noqon. Laakiinse, waxa  halkaas iiga soo baxday  in ninkani meesha isa-siiyey ba ee aanu u haysan in uu adeego maamul u yahay shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa ka yimaadda Saylac, Badhan, Buuhoodle, Balligubadle, laas-qoray iyo dhammaan ba meelkasta oo somaliland ah marka ay hawli ka soo gasho cisbitaalka. Haddaba waxaa os waydiin leh ninkani jaamacadda hargeisa maanu u aqoonsanayn xarun dawladeed, dhakhtarka maanu u aqoosanayn xarun dmaamulkani sidee buu u daboolaa dhammaan baahiyaha bukaannada kale duwan ee maalin kasta ka kale yimaadda meelaha fogfog ee hawli ay kaga xidhanto. Maanay sidayda uun weji gabax iyo ku tagri fal maamul kale hulleelin?.
Madaxweynaha uu maamul hoosaad ka u yahay tolow muu kula socdaa maamul xumadan mise ma oga?. Madaxweynuhu muxuu ula jeeday fartiina ayaa eersan doontaan? Ma shacaka ayuu u jeeday? Mise cidda gadhwadeenka uga ah hawlaha qaranka?
Ugu danbayn, sannadkii tegay waxa uu iigu suntanyahay sannadka aan qalinka ubqaatay in aan ugu hiiliyo naftayda, ugu hiiliyo dulmanayaasha aan hadli karin. In aan shacaka usoo bandhigo cidda tacaddi maamul geysata. Sanadkan soo socda waxaan u rajaynayaa shucuubta Somaliland badhaadhe iyo horumar waara.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Biomedical scientist.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker