GAADHISTA MACAANKA WAXAA KA SOKEEYA QADHAADH !!!!

Sidaynu wada ogsoonahay halgan ka loogu jiro hore u marka nololeed waxaa uu  maraa maraaxil kala duwan ama hadaynu si kale u dhigno waxaa uu maraa hirar kala shisheeya markaad mid gaadhana waxaa kuu muuqanaaya mid cusub oo ay tahay inaad gaadho ama aad soo taabato ama aad xaqiijiso ku guulaysigiisa.

Iyadoo hirarka nolosha ee kala shisheeya mid walba tacab iyo daal loo galo gaadhistiisa ayaa waxaa aynu si kooban uga hadli doonaa  una sharaxi doonaa siyaabaha lagu gaadhi karo halbeega nololeed eed hiigsanaysi inagoo dhinacyo dhawr ah ka eegi doona isla markaana soo qaadan doona qodobo muhiim ah oo hadii aad sidooda u raacdo aan kuu rajaynaayo guul nololeed.

  1. Waa inaad go’aansataa inaad gaadho meel adiga kuu tilmaaman inaad gaadho ama ay kugu weyn tahay ama aad jeceshahay inaad heer ka gaadho, ogsoonow hiigsiga dadku waa kala duwan yahay oo mid ba wax buu hiigsanayaa inuu hore u mar ka sameeyo gaar ahaan dhinacyada nolosha sida Ganacsiga, Waxbarashada iyo manaasibta ay tahay inaad gaadho oo waxaa laga yaabaa inaad ku hamiyeyso inaad noqoto madaxweyne dal waana meelaha ugu sareeye had iyo goor aynu ku hamino.
  2. Waa inaad qorshe u samaysataa sidaad u xaqiijin lahayd go’aanka aad gaadhay, qorshahaasi oo si cad u qeexaaya hanaanka ay tahay inaad go’aankaaga u gaadho iyo wadooyinka aad u marayso adigoo ku tala galaaya dhibaatooyinka ama caqabadaha kaa hor iman kara, caqabadahaasi oo had iyo jeer noqon kara kuwa kala duwan meela kala duwana kaaga iman kara sida dad ku niya jabiya, dhaqaale xumo, amaan daro, caafimaad daro iyo wax yaalo badan oo kaa hor iman kara.
  3. Waa inaad ku dhaqaaqdaa hir galinta go’aanka aad gaadhay adigoo taabka ku haysta isla markaana raacaaya qorshaha aad samaysatay, inaad go’aan kaaga fal ama ficil u badashaa ma hawl yara oo waxaad u baahan tahay waxyaabaha lagama maarmaanka u ah fulinta ama meel marinta go’aankaaga iyo gaadhida hamigaaga, tusaale ahaan hadaad rabto inaad aas aas to meherad ganacsi waa inaad haysaa maalkii aad ku bilaabi lahayd, meel ku haboon oo aad ka bilawdo ama ka furto, sharciyadii meheradaada iyo magaceedii, amniga ay leedahay meesha aad ka furayso, bulshada aad rabto inaad u adeegto ama wax ka iibiso iyo heer kooda dhaqaale iyo ma looga baahan yahay meheradaada goobta aad ka furayso intaa markaad hesho waad ku dhaqaaqi kartaa furitaankaaga meheradeed.
  4. Waa inaad  u adkaystaa ama u samirtaa dhib kasta oo kaa hor timaata waayo inaad hamigaaga gaadhaa ma hawl yara mana aha malab aad aayar leefayso dabeeto liqayso, had iyo goorna hadaad wixii ku dhaafay ku mashquusho hamigaaga gaadhi maysid waxaa lagaa rabaa inaad qaladkaagii hore ama guul daradaadii hore aad cashar ka qaadato dibna aanad u eegin una socoto hore waayo hami iyo hiigsi fobaa kuu yaala sidaa awgeed inaad adkaysi dheeraada la timaadaa waxay sababtaa inaad halbeegaaga gaadho.
  5. Madaama aynu nahay dad muslim ah waxaa waajib ah oo in badan kitaabka Ilahay ee sharafta iyo karaamada badan iyo sunada nabiga ee suuban  aynu ku haynaa talo saarashada Ilahay inay tahay waajib, waan sir qaali ah oo qofkii Ilaahay haleeshiiyo ama fahamsiiyaa ay ku najaxayso sidaa awgeed waxaa waajib ah talaabo kasta oo aad u qaadayso dhinaca hiigsigaaga inaad marka hore Ilahay talo saarato kuna dhaqaaqdo fulinta hiigsigaaga.
  6. Waxaa lagama maar maan ah si aad u xaqiijiso gaadhida hiigsigaaga inaad aqoon u yeelato waxa aad hiigsanayso iyo inuu kuu yahay doorashada koowaad (plan one or priority one).

Akhristayaal qodobadan  aan soo taxay oo iila muuqda inay muhiim u yihiin gaadhida hiigsigaaga fog iyo kaaga dhaw labada waxaa muhiim inaad samayso waayo markasta waxaynu ku haminaa hiigsi hadana ma gaadhno markaa waa inaan is waydiinaa maxaa sabab u ah inaynu fulin kari wayno hiigsigeena jawaabta oo waafiyana qaarna halkan ayaad ka heli kuwa kale oo inaa ka badana waxaa laga yaabaa inay akhriste adiga kaa dhex guuxayaan.

Guntii iyo gaba gabadii waxaa la inooga baahan yahay inaynu go’aansato, qarshaysato, ku dhaqaaqdo, u dhabr adaygto ama u samirto, aqoonteedana lahaato iyo inaad ILAHAY u talo saarato  fulinta iyo meel marinta hal hami oo muhiim kuu ah oo aad jeceshahay gaadhistiisa, sidaa hadaad samayso  waxaa hubaal ah inaad ku guulaysan doonto hamigaaga.

 

 

GAADHISTA MACAANKA WAXAA KA SOKEEYA QADHAADH !!!!

ALLAA MAHAD LEH

JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA).

jamaalsuxufi@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker