Maxaan ka ognahay ninka Soomaaliga ah ee loo xidhay dilka xildhibaanka UK

Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu dhaliyay walaac ku aaddan badqabka mudanayaasha, oo badankoodu kulamo ku qabta deegaanadooda kuwaasi oo qof walba uu ka soo qeyb geli karo.

Xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel ayaa sheegtay in la diyaariyay tallaabooyin lagu sugayo amniga xildhibaanada, balse waxay ku adkaysatay inay sii wadi doonaan u adeegidda dalka si carqalad la’aan ah.

“Waan sii wadi doonnaa, waxaan ku dhex nolnahay bulsho furan oo dimuqdimuqraadiyad ah,” ayay tiri mar ay booqatay goobtii uu weerarku ka dhacay iyada o ay la socdaan ra’iisul Wasaare Boris Johnson, hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Sir Keir Starmer iyo afhayeenka baarlamaanka Sir Lindsay Hoyl.

“Ma jirto Shakhsi na cabsi galin kara ama dhiirigalin kara inuu naga joojiyo inaan shaqeyno, si aan ugu adeegno dimuqraadiyadda aan dooranay.”

Ms Patel waxay carabka ku adkeysay in kulamada fool-ka-fool ah ee lala yeelanayo dadka soo doortay ay sii socdoonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Tobias Elwood – oo xildhibaan ka tirsan xisbiga Muxaafidka wuxuu soo jeediyay in mudanayaashu taleefoonka kula hadlaan dadka soo doortay ama ay kulan kula qaataan aaladda Zoom-ka.

Xildhibaan Diane Abbott oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa sheegtay inay doorbideyso in iyada oo ay muraayad u dhaxeyso la kulanto dadka soo doortay si ay uga hortagto weerarro toorreyda loo adeegsado .

Qoraalka sawirka,Dadka ayaa ubaxyo dhigayay goobta ay tacsida ka socoto

Dareenka shacabka deegaanka xildhibaanka la dilay

Dareenka shacabka Leigh-on-Sea, oo uu Sir David matalayay muddo tobanaan sano ah, ayaa ah mid uu jahwareer ka muuqdo.

Shacabka magaalada Essex ayaa isugu soo uruuray bannaanka Kaniisadda Methodist halkaas oo ahayd goobtii lagu weeraray xildhibaanka muddada dheer xilka hayay.

Baroor-diiqa loo sameeynayo Sir David oo Jimcihii la dilay ayaa wali ka sii socota deegaankii uu matalayay muddada dheer

Source: bbcsomali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker