Baarlamaanka Itoobiya Oo Maanta Ansixiyey Sharci Halis Ku Ah Soomaalida

Addis Ababa (OWN) ─ Barlamanka Dowladda Federalka Itoobiya, ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas.

 

Baarlamaanka, ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha.

 

Sidoo kale, Sharciyada cusub ee Baarlamaanka Itoobiya uu Ansixiyey waxaa ku jira dhismaha ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka.

 

Dhanka kale, Itoobiya oo aan lahayn bad ayaa dhowaan shaacisay inay saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Soomaaliya.

 

Xukuumadda Itoobiya, ayaa wadahadalo arintan la xiriira la furtay Dowladda Somalia, inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli Arrintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Somalia uu ahaa mid muddo dheer soo jiray.

 

Ugu dambeyn, Go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso Ciidamada Badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada waddan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker