Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee Dekedda Berbera + Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi…

“Xukuumaddu waxay Dekedda Usoo Iibisay Taaga Maraakibta soo xidha oo Casriya, Dab-demiska Badda (Syma boats), PILOT BOAT iyo dhisme Dabaq-dabahiya ah oo Hayadda Dekeddu dhisatay oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan Kastamka…”
Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh, ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera sanaadkan sii dhamaanaya 2018-ka, waxaynu qodob-qodob u dul istaagi doonaa adeegga sannaadka sii dhamaanaya ay ka fulisay, iyaddoo aynu ku koobnaan doono waxqabadka u gaarka ah Xukuumadda Somaliland ee sannadkan la fuliyey, maadaama oo ay dekedda hadda wada-maamulaan Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn waxaynu Barnaamijkeenan kusoo qaadan doonaa isbedelka horumarineed ee ay ku talaabsatay Dekeddu mudada uu maareeyaha ka ahaa Siciid Xasan Cabdilahi oo isaggu noqday masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara hoggaaminta Dekedda, isagoo sanaad gudihii ku gaadhsiiyey Dekedda darajooyin ay gaadhi-wayday 27-kii sanaadood ee Somaliland jirtay.
Ugu horeyn Xukuumadda Somaliland waxa ay dekedda Berbera usoo iibisay Taaga Maraakiibta soo xidha oo casriya, kaasoo ah 3000 oo horse power, isla markaana soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, kaasoo ay 1976,-kii keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Taagan cusub oo ah nooc casriya, ayuu Maareeyaha dekedda Berberi kasoo Iibiyey dalka Turkiga, ayuu maareeyaha Dekedda Berbera Mudane Siciid Xasan Cabdilahi markii u dalka soo gaadhay, waxa uu Saxaafadda ka siiyey warbixin kooban, waxanu hirgelinta Taaga si gaar ah ugu boggaadiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa ay Xukuumaddu Taaga ugu magac-dartay Madaxweynihii hore ee Somaliland Ilahay ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahin Cigaal, Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi oo faahfaahin kooban ka bixinaya qalabkan ay ku guulaysteen inay keeneen dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Qalabkan casriga ah ee aanu keenay Dekeda Berbera wuxuu leeyahay Taag wata dhamaan qalabkii kale ee Dabdemiska, horena umaynaan lahayn debdemiska Badda. Waxa inoogu dambaysay ilaa 1976 oo dalka la keenay Taagii ugu horeeyey, intay Somaliland jirtayna lama keenin wax Taag ah oo cusub oo kan ka horeeyey. Ka Maareeye ahaan waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nala garab galay keenista qalabkan, iyo sidii uu noogu fuli lahaa, isla markaana gacan weyn naga siiyey” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi, mar uu faahfaahin ka bixinayey Taaga Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi usoo Iibisay Dekedda Berbera sannaadkan sii dhamanaya.
Sidoo kale, waxa garab-socday Taaga Maraakiibta waawey soo xidha ee Xukuumaddu kasoo iibisay dalka Turkiga, qalab kale oo isna baahi-weyn ay u qabtay Dekeddu, kaasoo kala ahaa PILOT BOAT iyo weliba Dab-demiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd. Iyaddoo qalabka Dab-demiska Badda ee u Maareeyuhuu keenay Dekeddu yahay mid taarikh hor ah, kaasoo hadii shil dab ahi ka dhaco Badda dhex-deeda gaar ahaan xadka Biyaha Somaliland gurmad ka geysan karo, isla markaana bakhtiinaya dabkaa noocu doonaba ha ahaadee.
Taaga Cusub iyo qaabka uu u daboolay Baahiyihii Dekedda ee soo xidhista Maraakiibta, ayuu dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi soo kormeeray, dhowaan safarkiisi goboladda bariga, isagoo uu fuulay Madaxweynuhuu Taaga casriga ah, iyaddoo ay weheliyaan Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi iyo weliba masuuliyiintii safarka ku wehelinaysay, kuwasoo badda kusoo mushaaxay….La soco qaybaha dambe.
Saki Xasan Saleeban
Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker