Maamulka Puntland oo isna Ganacsatada Reer Somaliland ee Xoolaha Ka dhoofsada Boosaaso ku soo Rogay Ruqsad
Muqdisho (OWN) โ Dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysatay dalabkeedii ahaa in Ganacsatada Somaliland ee doonaya inay xoolaha u dhoofiyaan dalkaas ay ruqsad kasoo qaataan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka sharaacday Dekedda Berber oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kadib markii uu Sacuudiga tagay isaga oo ruqsad ka haysan dowladda Soomaaliya.
Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiyaan ah oo Xoolaha la wareegayay.
Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Sida ay ogaatay Oodwaynemedia, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aysa ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay.
Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Raโiisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi.
Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa ee Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan.
Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee Loo dhoofiyo Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Soomaalida