Wareysi: Hooyada Dhashay Gabadhii 8 jirka Ee Kufsiga & Dilka Loo Gaystay

Hooyo Maryan waa hooyada dhashay gabadhii sideed jirka ahayd ee 21-kii bishan lagu kufsaday, ka dibna lagu dilay xero dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa Arbacadii xaqiijiyay in Talaadadii lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo ninkii falkaasi ka dambeeyay.

Afhayeenka ayaa sheegay eedeysanaha oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qaasim, 25 jir-na ah inuu kufsi iyo dilba u gaystay gabar yar oo 8 sano jira, isla-markaana agoon ahayd.

Doodisho ayaa tilmaamay in fal dembiyeedkan uu ka dhacay xero dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala inta u dhaxeyso deegaanada Calamada iyo Xaawo Cabdi.

Hooyo Maryan ayaa sheegtay in ay dooneyso in cadaaladda la marsiiyo ninkii falkaasi foosha xun kula kacay gabadheeda, oo lagu magacaabi jiray Raaliyo.

 

Dhageyso: Wareysiga hooyo Maryan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker