Aqoon darrada iyo Indha La’anta Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka awdal.
Marka laga soo bilaabo aasaaskii Somaliland 1991kii heyadaha cadaaladu
wey kasoo reynayeen marba marka ka dambeysa ,Shacabka
Soomalilandna haba saluugsanaadaane wey weheshanayeen Bahda
Garsoorka ee wadanka ka dhisan . Imminkana Guud ahaan Garsoorku
Waa macqbuul .
Waxase nasiib darro ah in Maxkammadda Rafcaanka ee Gobolka Awdal
uu ka taliyo Qaadi aan aqoon laheyn ,Taariikhda aqoontiisana la wada
yaqaan oo suaal weyn dadweynaha ku dhaliysey sid a ay suuragal u tahey
ninaan aqoon asaasi lahayn in uu Noqdo Guddoomiyaha Maxkammadda
Rafcaanka gobolka Awdal
kiisaska uu qaadey intuu joogey oo ay ku jiraan Beero ,Jagooyin, lacago lagu muransan yahey ayaa badankoodii hab cadaaladda baal marsan ku
dhammaadey .
waxa Qaadiga caado u ah inuu ku dhameeyo xukunadiisa
guryo,hoteelo iyo geedo hoostood kolba meesha uu kula balamo cida uu danta ka leeyahay ..wuxuna inta badan ku mashquulsan yahey ..Meher…isagoo dayacey shaqaddii loo igmadey kana doorbidey in wixii meher ka dhacaya magaaladda uu ku mashquulo waxanan Talo la gudboon reer awdal in ay Guddoomiyaha Maxkammadda Sare iyo madaxweynahooga la xidhiidhaan kana dalbadaan in maxkamadda Rafcaanka gobolka la keeno Guddoomiye hanan kara shaqadda dawladdu u igmato aqoonteedana leh ..waxa aad loo hadal hayaa sida liitinimada leh ee aqoondaradu ka muuqato ee uu wax u maamulo. waxa yaab leh aawey heyadihii xisaabin lahaa !!!! waxa kale oo ay shacabku hadal hayaan inuu naasnuujin Maslaxadeysan ka helo qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka matala ee dawlada dhexe
Sidaa daraadeed waxa nala quman in gudoomiyaha maxkamada sare ee JsL Iyo madaxweynaha JSL ay il wadanimo ku eegaan arrinka oo ay si degdeg ah Talaabo uga qaadaan Qaadigan aan meeshiisii Joogin!!!.
Mubarik .k. Kooshin