Dowladda Soomaaliya oo soo celisay 123 muwaadin oo colaadda Sudan ay saameysay

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah dalka ku soo celisay 123 muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey.

78 kamid ah muwaadiniintan ayaa la geeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halka 45 kalena laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah ku tagay Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa.

Masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78-ka ruux, halka ay 45 kalena Garoowe ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad oo dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, halkaas oo ay weli Soomaali badan ku sugan yihiin, kuwaas oo dowladdu ku boorisay inay safar dhulka ah ku tagaan xadka Ethiopia, si halkaas looga soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dalka u keentay ku dhawaad 30 muwaadin oo laga soo qaaday dalka Koofurta Sudan, oo ay u baxsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker