Webiga Shabeele oo Fatahaad hor leh Sameeyay Biyihiisuna ay Qarqiyeen Balcad

Muqdisho (OWN) – Wararka naga soo gaardhaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey Agagaarka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Wabiga ayaa ku fatahay dhul beereed aad u ballaaran uu ku yaalla halkaasi, iyadoona dadka deegaanku ay bilaabeen inay barakacaan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaartayfatahaada cusub ee wabiga Shabelle uu ka sameeyey magaalada Balcad.

Deegaanada uu saameeyey wabiga Shabelle, kuna fatahay ayaa waxaa ka mid ah  Xawadleey, Jameeco Misro, Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi oo aan la hadalnay ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagan tahay halkaasi, islamarkaana ay dalbanayaan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi oo u badan kuwa Beeraley ah.

Wabiga Shabelle ayaa horay fatahaad xoog leh uga geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku barakaceen illaa 270,000 oo qof oo ku noolaa Beledweyne iyo degaannada hoostaga.

Sidoo kale wabigan ayaa fahaad ka sameeyey dhinaca degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo iyana laga soo sheegayo xaalado daran oo dhinaca nolosha ah.

Dadka ay saameeyeen fatahaadaha oo aad u badan ayaa weli u baahan gurmad deg deg ah, waxaana dowladdu ay sheegtay in maanta diyaarado sida gargaar ay u direyso magaalooyinka Beledweyne, Bardaale iyo Baardheere oo ka mid ah meelaha ugu daran.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker