Madaxweyne Farmaajo Oo Galabta Sii Sagootiyey Weftigii Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kusii sagootiyay Garoonka Aadan Cabdulle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo ku wehliyay safarkiisa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mudadii labada maalin ahayd ee uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu kulan labo geesood ah la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,iyagoona wada hadalooda diirada ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

Wuxuuna maanta Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda ka dib u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker