Muxuu yahay Dhiig Karka qarsoon ee lagu sheegay da’yarta?

Dad aad u tiro badan oo dhalinyaro ah, kuwaasoo oo ku nool Ingiriiska, ayaa waxaa lasoo haleelaya cudurka Dhiig Karka.

Tiradooda guud, ayaa waxaa lagu qiyaasaa ilaa 170,000 oo qof, oo da’doodu ay u dhaxayso 16 ilaa 24. Dadkani ayaa waxa uu cudurka ku dhacaa iyagoon ka war qabin.

Da yarta, ayaa waxay halis ugu jiraan cudurka Dhiig Karka, sida ay ka digeen khubaro.

Taasi waa qiyaastii shan ka mid ah 100-kii dhallinyaro oo isugu jira rag, iyo dumar, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xafiiska Tirakoobka Qaranka Ingiriiska.

Inkasta oo laga yaabo inaanay jirin calaamado ama dhibaato heerka bilawga ah, balse wuxuu cudurkani culays dheeraad ah saarayaa Wadnaha iyo Xididdada Dhiigga.

Dhiig Karka, ayaa ah cudurka ka danbeeya kala bar wadno-xannuunnada iyo istaroogga, kuwaasoo ka dhaca gudaha UK.

Cudurkani ayaa iman kara da ‘kasta, waana sababta ay dhakhaatiirtu u sheegeen in dhammaan dadka qaangaarka ah ay tahay inay si joogto ah u baaraan cadaadiska dhiigga, oo ay qaadaan tillaabooyin ay kaga hortagayaan waxyeellada muddada dheer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker