Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Gaaray Magaalada Baraawe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Bawaare ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo siweyn halkaas loogu soo dhaweeyay.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Baraawe ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Baraawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiiro kamid ah dowladda.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Degmada Baraawe ayaa waxaa tahay xarig jarka Garoonka diyaaradaha Magaaladaas oo dib u dayactir ballaaran lagu sameeyay gaar ahaan runweyga ay kusoo dagaan diyaaradaha.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha halkaas ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Gobolka Shabeellaha, kan Degmada Baraawe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa shalay si wada jir ah Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda.

Amaanka guud ee Magaalada Baraawe ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana amniga sugidiisa iska kaashanaya Ciidanka dowladda iyo Ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker