Dawladda Uganda oo shaacisay in Ciidamada Loo tababaro Ammaanka DF ay ku biiraan Al-Shabaab

Kampala (OWN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha debedda dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay in qaar ka mid ah Ciidamada Loo tababaro dowladda Soomaaliya ay ku biiraan Xooggaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

 

Mr Henry Okello Oryem ayaa is weydiiyey ma Al-Shabaab ayaan ammaanka ku wareejinaa?

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan cabasho aheyn, balse ay Uganda ka murugsan tahay tayada ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Ma cabaneyno, laakiin waxaan ka murugsannahay Tayada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yidhi  wasiirku.

Dhanka kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa ka digay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM laga saaro Soomaaliya.

Henry ayaa sheegay in guulaha ay haatan gaadheen ciidamada AMISOM ay ku soo dhammaan karaan fashil, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in haatan QM ay ku howlan tahay sidii loo dhimi lahaa tirada AMISOM oo uu xusay inay ka dhalan karto qatar xoogan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker