XARUNTA DHAQANKA WAA IN CILMIGEEDA MAADIGA AH AY HOGAAMISAA DIINTU (NOT) VISE VERSA.

Xarunta dhaqanka ee SOMALILAND  waxay calaamad u tahay horuumarka, nabad gelyada, higsiga caafimaadka qaba ee caalamka, waa meelaha iftiima ama dhaqdhaqaayada at uga eeg dunida wax akhriga qiimaysa inkastoo ay ka yara liidato xagga taakulayta Xukuumadda iyo Hayadaheed oo iyagu u yimaada isla sawiruun.

Sideedaba Wadankeena HOOS looga fiirsado Goormaa loo baahanyey barashada cilmiga maadiga ah ya laga qaadanayaa cilmiga maadiga ah goormaa caruurta iyo dugsiyada loo bilaabayaa,anshaxee ama asluubtee loo baahanyey in Cilmiga maadiga ah loo maro ama lagu barto.sidee bay cilmiga maadiga ahi faaiido badan ugu yeealanayaa ummaddeena. Waxaa soo dhan marka hoos hoos iyo daraasado Khaas ah loogu fiirsado ayaa waxaa soo baxaya in haddaan Diintu  hogaamin cilmiga maadiga  ah uu meelo badan ummadda dhibaato uga keeni karo ama mujtamacaba(dad,dal iyo taariikhba)ba wax geli karo,waa haddii aad isu dhiibto inaad cilmiga Maadiga ah gaalo u daba fadhiisato adoo Diintaadii kaa shaandhayd lahayd dhinac iska dhigto.  Maqaalkan gaabani wuxuu ku gororayaa waxaan sannadkan ku arkay Xarunteena dhaqanka oo aan anigu ahay dadka aad u taageersan waxqabadkeeda wanaagsan laakiin waxaa soo baxbaxaya inaan shaqadeeda ama Gudideeda qof Diinta u qaabilsani oo sheekhi oo weliba gaalada ku xeeldheer aanu ku jirin oo ka shaandheeya gaalada imanaysa noocyadeeda kala  duwan. Tusaale gaalada inoo timaaddaa waxay ka koobantay laba buug; BUUG NAQLIYA AMA MAADIYA IYO BUUG RUUXIYA  waxaa caddaatay xarunteenu inay eegto oo qudha buugga  ana flimka uu qofka gaalka ahi ka kaga soo qayb gelayo (HARGEYSA Book Fair) laakiin Buugiisa ruuxiga ba inaanay xaalayn waa taasi keentay sannadkan iyo sannadihii horeba inaynu soo casuuno qoraayada Gaalada qaar ka mid ahi  inay yihiin kuwa u ololeeya IN RAGGU RAGGA GUURASADO DUMARKUNA DUMARKA GUURASADAAN( SUBXAANA ALLAH). Ka dib markii Saxaafadeena SOMALILAND ee feejigi si foolka-foola u waraysatay Maamulaha Xarunta dhaqanka uun qiray inay dadka qoraayada gaalada  ah ay ku soo Cusuumaan buugaagtooda iyo film madooda maadiga ah ee aanay ogaalba u yeellan BUUGAATOODA RUUXIGA AH EE AY KULA DHEX NOOLAAYAAN UMMADDEENA MUSLIMKA AH IYO DHALINYARADEENA KA BARAADKA LA WAX YAALAHAAN KOR KU SOO XUSAY.
Maamulaheena xarunta dhaqanka iyo  guddiduba waa dad aad aqoon u leh waxaan ka hadlayana aad u fahmaya oo badu iyagu caalamka gaalada degaankoodu yahay markaa sannadka soo socda arinkaa hubaal waxbay la bedeli doonaan.
Waxaan intaa racin lahaa HAL HAYS BUUGAATAYDA KU XARDHAN HAD IYO JEER OON IDHAADO ‘ SOOMALIYEY NINKII DHADHAMIYEY BAA GARANAYEE WAX AKHRIGU WUU KA MACAANYEY CAANAHA GEELA ‘.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker