KOBOCA DHAQAALE IYO SHAQO ABUURKA MACDAN QODATADA SOMALILAND

HORUDHAC

Somaliland waxay ku taal Geeska Afrika. Waxay xuduud la wadaagtaa, Jabuuti dhanka galbeed, Itoobiya dhanka koonfureed, dhanka barina maamulka Put-land ee Soomaaliya.

Somaliland waxay leedahay xad xeebeed dhararkiisu dhan yahay740 kilomitir (460 mi) badankoodu waxay ku jeedaan Gacanka Cadmeed. Badkeedu waa 137,700 𝑲𝒎𝟐 (53,100 sq. My). Waxay udhaxeysa Dhigta 80and 11027 ‘Waqooyi iyo Loolka 42035’ iyo 490Bari, waxay leedahay buuro xidhiidhsan oo sare u kacsan ilaa lix iyo toddoba kun oo fiit una badan badh-tamaha iyo bariga dalka sida ay u soo kala horreeyeen samaysankoodu. Wadanku taariikhada Jiyoolojiyeed wuxuu ku qotomaa inta badan xiliyadii Mesozoic iyo Tertiary ee samaysanka qaaradaha isa-shabaha ee bariga iyo badda ee ka kooban dhagaxaanta salka isku haya sida, dhagax lakabeedka aan si haboon u kaydsamin, dhagaxaanta aasaaska ah ee samaysmay xiligii Precambrian iyo dhagax shiilka (Ali, 2006).

si kooban
Macdan qodista hanaanka muruq maalka iyo qodista kooban ee Somaliland (Artisanal & Small-scale Mining (ASM)) waa istaraatiijiyad nololeed oo ka dhexeysa macdan qodoto ka kooban 2500 iyo 3000 oo qof oo ku nool Somaliland. Si la mid ah wadamada kale ee ka hooseeya Saxaraha Afrika. Qaabka noocan ah ayaa ku sifoobay kordhka bulshada, dhaqaalaha, deegaanka iyo caafimaadka ee macdan qodayaasha iyo bulshooyinka ku xeeran. Iyada oo taas laga jawaabayo, dawladda Somaliland waxay ku talo jirtaa inay xaqiijiso qaabka quman ee loo maamuli laha lona maarayn lahaa kharashka loona kordhiyo faa’iidooyinka macdan qodista si dhaqaalaha qoysaska qotaa u fiicnaado. In kasta oo farsamo-yaqaanno iyo macdan-qodayaasha Somaliland loo baahan yahay in ay u hogaansanaadaan Sharciga Macdanta Somaliland si ay u helaan rukhsad ay ku shaqeeyaan, badankoodu waxay ku qotaan macdanta si aan shariciga Macdanta waafaqsanayn.

Qoraalkani wuxuu qiimaynayaa heerka uu Xeerka Macdanta ee Somaliland kor ugu qaadayo horumar waara iyada oo la qaabaynayo Macdan qodata. Sidoo kale waxay salka ku haysaa fahamka horumarka sida, dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka, taasoo ka dhigaysa Macdanta Somaliland horumar waara. Sharciga ayaa muujinaya in dawladda Somaliland ay waajib ku tahay inay adeegsato xeer-nidaamiyah lagu maareeyo laguna xakameeyo Macdan qodista hanaanka adegsiga muruqa iyo qalabka fudud oo hada loo adeegsado qaab ka baxsan sharciga si loo hubiyo natiijooyinka ka dhalanaya horumarka waara.

Macdan qodista kooban iyo macdan qodista hanaanka adeegsiga muruqa waxaa si toos ah iyo si dadbanba uga shaqeysaa tiro dad ah dhamaan Gobolka Somaliland si kumeel gaadh ah, halka mashruuca macdan qodista kooban ee Jade-ku oo ku socdo degaamooyin ka mid ah gobolada oo ay ka faa’iideysteen bulshada ku nool goboladaa. Hawlahan macdan qodistu waxay abuurin dakhli sidoo kale waxay door weyn ka ciyaartay abuuritaanka shaqooyin xirfadeed oo sare u qaaday nolosha bulshada ku nool goobaha ay ka socoto mashruuca macdan qodistu. Macdanaha qurxinta (Gemstones) ee ay bulshudu ka qotaan deegaanadooda ayagoo istixmaalaya muruqoda iyo qalab aan tayo iyo tiro midna fiicnayn badankooda waxaa dhoofiyay Qaarada Aasiya sida, Hong-Kong, Hindiya iyo Thailand, dalalkaasoo ah suuq-geynta u weyn ee hada loo dhoofiyo Macdanahaa qurxinta.
macdanta qurxinta (gemestones)
Illaha laga helo Macdanta qurxinta dhagxaanta ee Somaliland waa dhagaxaanta hoose ee aasaaska ah kuwaasoo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo oogada sare ee dhararkoodu dhan yahay 600km iyo balac dhan 60km.
Somaliland waa qayb ka mid ah taxanaha silsiladeed Mozanbique (Mozanbique belt) ee wax soo-saarkiisu aadka u sareeyo lagana heli karo kaydadka Macdaneed ee ganacsi galka ah, taxanaha ayaa ku teedsan dalalka Kenya, Tansaaniya, Sri-Lanka, Hindiya iyo Madagascar. Macdanaha qurxinta ee tayada leh ee Somaliland waxaa ka mid ah: Emerald (Sumurud), Ruby, Sapphire, Aquamarine, Topaz, Tourmaline, Zircon, Garnet, Amethyst, Spinel, Opal iyo macdano badan oo qiimo yar sida Dioside, Citrine, Epodite iyo Jadeite. Intaa waxaa dheer pegmatite, oo ah dhagaanta marit galiya Emralad iyo noocyada kale ee Beryl sida Aquamarine, Somaliland waxay leedahay dhagaxaanta asaaska ah (metamorphic rocks) oo ah qaybta laga helo unugyada yaryar ee Ruby iyo Sapphire.

Farsamo ahaan ma jiraan fahano kobsanaya halaka keydka macdaneed yahay, laakiin bulshada ku nool deeganadooda waxay adeegsadaan qalab fudud sida dube shiinaha, ma jiraan qalab casri ah oo ay ku qotaan isla markaana kula soo baxaan macdan badan oo qaali ah si ay uga iibiyaan ganacsatada maxalliga ah, caqabadaha ugu weeyn ay haystana waa baahida dajinta siyaasadaha suuq-geeynta iyo qaababka marinneed ee loo maro kaydadka kheyraadka macdanta Somaliland.

Jiyooloojiyada iyo tilmaamayashaa Macdanta qurxinta Somaliland waxaynu ku garan karnaa sidan:

⦁ Dhagaxanta asalka ah ama aasaaska ah ee hoose ee taariikh ahaan samaysmay wakhtiyadii u horeeyay ee uu samaysmayay dhulku oo ay soo dhax galaan dhagaxaan ka yimi xaga hoose qaabkay doonaan ha ku yimaadaan
⦁ Marxaladihii ugu danbeeyay ee dhaqdhaqaaqa dhagaxanta hoos ka yimi sida, ciriqa pegmitatka, kuwaasoo ah isha ugu weyn ee Macdanta qurxinta (Gemstones) ee Somaliland
⦁ Pegmatiteku waxay ku kala filiqsan yihiin dhulka hoostiisa intooda badani waxay ku teedsan yihiin inta udhaxeysa Berbera iyo Bawn, sidoo kale waxaa loo kala qeybin karaa labo goobood, goobta Bari (1,500km2) iyo Goobta Galbeed (3,000km2).

tusaale macdanaha qurxinta
Emerald (Sumrad)
Waddanku wuxuu leeyahay laba goobood oo caan ku ah oo soo saarida Emerald (Sumurud), mid wuxuu ku yaal Calihiley ka kalene wuxuu ku yaalaa Siimoodi galbeedka Somaliland. Kaydka Emarladku wuxuu ku dhacaa xuduuda ay iskugu yimaadaan laba nooc oo dhagax ah: halka dhagaxaanta Granite-ka ee baaxda weyn sida pegmatite-ka oo xad la yeesha dhagaxanta madowee jilicsan ee Schist-ga.
Laba nooc oo dhagax ah ayaa lagama maarmaan u ah samaysanka Emarald-ka, si ay u hesho midibka cagaarka ah, Beryl-ku wuxuu u baahan yahay inaad xirfad u leedahay dhagaxa keena chromium ama, mararka qaarkood, vanadium, midabayntiisu wuxuu ka yimaadaa Schist-ga, maxaa yeelay pegmatite malaha chromium. Mararka qaarkood ciriqyada yaryar ee pegmatite-ka ayaa gala Schist-ka halkaasoo laga helo Emarald-ka ugu fiican. Sababtoo ah Schchist-gu wuu ka jilicsan yahay pegmatite-ka, inta badan shaqada sahamintiisu waxay ku jirtay Schist-ga, kaas oo ku fudud hababka qodistiisa. Farsamo ahaan, macdan qodayaashu waa halkay kala soo baxaan inta badan.

AQUAMARINE IYO NOOCYADA BERY

Dhinaca bariye xadka Emerald-ka ee galbeedka Somaliland, macdanaha quruxinta ayaa ah qaar laga helo pegmatite-ka waxaana loo arki karaa inay yihiin qashino cadcad oo isku weydaaranaya dhinaca buurta. Qeybtan bari, macdan qodayaasha ayaa ah qaar xooga saara ciriqa pegmatite-ka oo qani ku ah Aquamarine-ta. Sababtoo ah pegmatite-ku wuxuu ka soo dhax baxaa dhagaxaanta waaweyn ee Granite-ka, maaha kuwa laga helo dhagaxaanta Chromium si ay mdabka cagaaran u siiyaan Beryl-ka. Taa-badalkeed, helitaanka birta (iron) ama titanium waxay siisaa midabada buluugga ah ama buluuga cagaaran Aquamarine-ta.

 

 

 

 

KOOXDA CORUNDUMKA (RUBY IYO SAPPHIRE)

Ruby-da iyo Safayrku waxaa laga heelaa silsilada teedsan ee gemstone-ka, pegmatite-ka waxay kaga badan yihiin dhagaaxanta asaaska ah (metamorphic). Midabka casaanka ah ee dhalaalay ee Ruby-da oo la mid ah ta laga helo deeganka Longido ee wadanka Tansaaniya ayaa ah mid laga helo dhagaxaanta aasaaska ah (metamorphic). Ruby-da waxaa loo helaa sida Corundum-ka cas ee leh midabka cagaaran. Kaydadka ku jira Somaliland waa qaar ka duwan kuwa kale ee dalalka Afrika, sida Tansaaniya iyo Nayjeeriya oo labada nooc ee Corundum-ku (safayr iyo rubi) laga wada helo isku goob, Somaliland, ruby iyo safayr waxaa laga helaa laba goobood oo kala gooni ah.

GARNET, OPAL IYO QUARTZ

Macdanta ugu badan ee ku jirta Somaliland waa garnet. Cabbiro kala duwan ayay leeyihiin iyo midabyo kala duwan sida, casaan ilaa liin, waa sadax nooc oo kala ah grossularite garnet, pyrope iyo almandine. Marka la sifeeyo, waa nadiif wuxuuna soo baxaa mid qurux badan. Dad badan ayaa u maleynayay in Quartz-ku uu yahay Dheeman, waa mid u baahan in wax badan lagu sharaxo in Somaliland aanu ku jirin Dheeman.

adeega macdan qodiseed ee kooban iyo saboolnimada

Macdan qodista kooban iyo mida loo adeegsado muruqa waxaa si toosa uga shaqeeya adduunka qiyaasitii 20 ilaa 30 malayn sidoo kale malaayiin kale oo badan ayaa ah kuwa ku xidhan warshadaha.

Macdan qodista kooban iyo mida ay bulashada deegaanadoou u adeegsadaan muruqooda maaha isha qudha ee ay malaayinka qof ee ayanu soo xusnay ku kaabaan nolashooda, sidoo kale waxay gacan weyn ka geysataa kor u qaadida koboca dhaqaale ee qaranka iyo muhimada ilaha kale ee dakhliga sarifka lacagaha qalaad. Waxay si gaar ah uga run sheegaysaa waddamada soo koraya ee u baahan in la kordhiyo dakhliga soo gala dowladda dhaxe iyo dhimista Miisaaniyadda. Tusaale waxaa inoogu filan:

⦁ Gaana, waa waddamada xaaladooda dhaqaale lagu tiriyo dhexdhexaadwaddan loo tixgeliyo, macdan qodista kooban iyo mida adeegsiga muruqa waxay soo saartay sanadii 2014kii inay miisanayda dawladda dhexe lagaga daray 35% wadarata guud ee Dahabkii ay soo saartay, taa macnaheedu waa, wadarta guud ee ay ay soo saaratay inay ahayd qiyaasitii $ 4.5 malayn, halka ay ku deeqday dawaladda dhexe $ 1.5 million.
⦁ Dalka Mongolia macdan qodayaasha ka qota deegaanadood waxaa lagu qiyaasey 100,000, 20 boqolkiiba waa shaqaale ku nool miyiga, dakhliga macdanta la dhoofiyo sanadkii waxay ku darsadeen dawladda dhaxe qiyaastii $ 110.

Marka la eego waxtarka ay u leedahay dakhliga sarifka lacagaha qalaad iyo il ahaan shaqaalaynta, macdan qodista kooban iyo mida adeegisiga muruqu waxay door muhiim ah ka ciyaareysaa abuurista hantida dhaqaalaha maxalliga ah iyo kuwa wadankaba. Si kastaba ha noqotee, kartida buuxda ee macdan qodista kooban iyo adeegsiga muruqa ayaa ah mid wax ku ool u ah horumarinta qaranka iyadoon loo raacin hanaankii iyo habkii laga midho dhalin lahaa. WaxaA badanaa sabab u ah in aan si rasmi ah looga shaqayn habkii la doonayay sida, qadashada ruqsadaha Macdanta iyo dhamaan wuxuu sharcigu u baneeyay

Sidaa darteed, waxaa baahi aad ah loo qabo jawaab celin siyaasadeed oo dhammaystiran, iyo taageero leh oo laga helo dawladaha iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah si gacan looga geysto abuurista habab horumarsan oo maxalli ah oo lagu dejinayo halbeegyada horumarineed ee lagu soo saran lahaa Macdanta.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland way dajisay dhamaan siyaasadihii iyo xeer-nidaamiyihii lagu hagi lahaa ama hanaankii loo raaci lahaa Khayraadka Macdanta Somaliland, iyadoo danaynaysa in sare loo qaad kaabayaasha dhaqaale.

Gabagabadii aan ku soo qoraal xidho, koboca dhaqaale ee wadankeenu waa hadba sidii looga faa’iidaysto soo saarida Khayraadka Macdanta.

Dantu wada jir guud bay
Dayac kaga fogaataa
Karti iyo dadaalba
Gobonnimo daryeeshee
Dadku wuxuu ka maalaa
Kolba siduu u daajee.

ALLAH MAHAD LEH,

Qoristii:

Jaamac Maxamed Aadan
Agaasime ku xigeenka Waaxda Macdanta
Ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
Email: jamacadan88@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker