Siyaasi Cabdillaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan), ayaa Ka Hadlay Waxa uu Xalku noqonayo haddii ay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland Ansixin waayaan Wakhtiga laysla qaatay ee loo Muddeeyey doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Cabdillaahi-Jawaan, waxa uu sheegay in haddii ay diidaan Golayaasha Baarlamaanka Wakiilladda iyo Guurtidu muddada ay Guddiga doorashooyinka, Madaxda Xisbiyada iyo Xukuumaddu isla qaateen in doorashada la qabto ee ay Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha ugu gudbiyeen Qoraalka ee ah in la qabto doorashada 31 bisha 5-aad ee sannadkan 2021-ka, ay Madaxweynaha u furan tahay inuu Maxkamadda sare u gudbiyo dalabkiisa, ka dibna ay Maxkamaddu awood u leedahay inay qaraar ku soo saarto xilliga la qabanayo doorashooyinka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker