Beesha Caalamka Oo Indhaha Ku Haysa Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Somaliland

Somaliland ayaa markii u horaysay galaysa doorashooyin isku sidkan oo Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ah, kuwaas oo leh culayskooda. Doorashooyinkii u dambeeyay Somaliland ee 2017 iyo 2012 ayaa natiijadoodu sababtay rabshado dhimasho iyo dhaawac keenay iyo kala qaybsanaan bulsho oo daba dheeraatay.

Labadaa doorasho ayaa ahaa qaar dalka ka dhacay intii uu tallada dalka hayey Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo noqday qaar diiwaanka taariikhda u galay,balse hadda oo la sugayo inay bishan May 31 2021-ka ay dalka ka dhacaan doorashooyinka la sugayey muddada dheer ee Goleyaasha Degaanka iyo Wakiillada ayaa la qabaa dareen ku aaddan in ay la mid noqoto natiijadu doorashooyinkii hore, iyada oo bulshada reer Somaliland ay si weyn ugu dheg-taagayaan in la dejiyo xaraaradda ololaha si nabad doorashada iyo natiijadeedu ugu dhammaato.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa iyana walaaca ay ka qabaan shacabka reer Somaliland iyo Siyaasiyiinta mid lamid ah qabta,waxaanay si dhow ula socdaan xaalada dalka,iyagoo socdaalo kale duwan oo ay ku yimadeen dalka bilihii u dambeeyey, isla markaana kullamo la xidhiidha sidii ay doorashooyinkaas si nabad ah oo dimuqraadiyad ah ugu dhici lahayeen la yeeshay ,madax-da Xisbiyadda,Xukuumadda iyo guddida doorashooyinka Qaranka. ” Shacabka Somaliland doorashadaa inagu soo socota lama dooranayo Xildhibaan lama dooranayo Dawlad hoose,waxa la dooranayaa Somaliland adduunka halkee ayey ka geli kartaa ,caalamku wuxuu leeyahay oo tallow siday isu waddi karayaan iyo maxaa ka dhici doonna iyagana ma sidaa Xamar ayaa loo gar-qaadayaa , tallow ma security council ayaa loo dooni doonnaa ma IGAD ayaa loo doonni doonnaa .”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi

Shirkii toddobaadkan ee Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa lagaga hadlay amniga doorashada,waxaana shacabka loogu baaqay inay foojignaadaan inta lagu jiro doorashooyinka “In xukuumadda ay ka go’an tahay inay si buuxda gacanta ugu qabato, sugidda amniga doorashada qabsoomi doonta 31 May 2021-ka, isla markaana Xukuumaddu si weyn diyaar ugu tahay cid kasta oo cadaw ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hawlan carqaladaynta qabsoomidda doorashooyinka. Waxaanu goluhu Shacbiga Somaliland ku baraarujinayaa inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan cid kasta oo ku hawlan wax-yeelaynta waddankooda, gacan buuxdana la barbar istaagan oo kala shaqeeyaan nabadgelyada ciidammada kala duwan ee dalka.”

Geesta kale Madaxweyne Biixi ayaa ka hadlayey xaflad loo qabtay dhawaan Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in aan looga baahnay musharraxiinta inay ku olloleeyaan wax dadka kale fogeynaya “Musharaxa waxaa looga baahanyahay in ololihiisu uu noqdo mid soo jiita qalbiyada codbixiyayaasha oo raad walaalinimo iyo is-jacayl wadaniyadi ka muuqato reeba, waa in aanu noqon olalaha doorashadu mid umadda is nacsiiya oo kala fogeeya”.ayuu yidhi

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay doraad mar uu xaflad ka jeedinayey khudbad inuu ka cabsi qabo in doorashooyinka ay ka dhashaan qalalaase “Doorashadan waa doorashada aan u baqayo inuu qalalaase ka dhacaa,sababtoo ah qabyaaladii ayaa aad iyo aad jilib jilib reero markii hore hal Musharrax lahaan jiray ayaa maanta kale jabay oo saddex kale leh, bahashii tolaayeey ayey gaadhay .”ayuu yidhi Faysal

Si kasta ha-ahaatee doorashooyinka isku sidkan ayaa haddii ay ku dhacaan jawi dimuqraadiya caddaalad iyo murran la’aan waxay Qaranka Somaliland u soo jiidayaaan sumacad weyn iyo wanaag,taas oo Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa diiwaanga u geli doonta, waana imtixaan horyaala Xukuumadda iyo Biixi siday uga maarsadaana doorashooyinkaa oo ah kuwii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca inta uu Madaxweyne Biixi xilka hayey waana la dhawrayaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker