Xaaladda Somalida Dalka Turkiga Kadib Dilkii Baashi Xoosh Jabriil

Xaaladda dadka Soomaalida ku nool ee dalka Turkiga ayaa lagaga soo waramayaa in kadib weerar ay bishan billowgeeda ragg burcad Turkish ah u geysteen Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkaas.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga ayaa lagu shaabadeeyay dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu tagaan xaafadaha qaar, gaar ahaan Kizilay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga, taasi oo naceyb hore leh ku abuurtay Turkish-ka.

Sheekh Abu Dalxa oo kamid ah Culimada Soomaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga ugu baaqay inay iska ilaaliyaan socodka aan macnaha laheyn, islamarkaana ay si aad ah isku ilaaliyaan.

“Taxadar weyn oo aad u ballaaran ayaa u baahanahay, meel istaag-taaga badan aan iska ilaalino, dan hadda u baxeyso mooye gurigaaga ku eekow. Hadda wax aan faa’iideysaneyn aan guryaheena aan ku eekano, oo guryaheena aan ku barano,” ayuu yidhi Sheekh Abu Dalxa.

Waxa uu intaas kusii daray in xaafada Kizilay oo Soomaalida si aad ah ugu badan tahay ay ka jirto “aragti adag oo loogu tala-galay in muwaadiniinteena looga tirtiro”.

“Taxadar dheeraad ah ayaa u baahanahay in aan ka sameyno taksiyada aan raaceyno,” ayuu yiri Sheekh Abu Dalxa oo ka shakeeyay arrin ka qabsatay Taksi uu raacay oo isku dayay in uu ka leexiyo wadadii uu u socday, taasi oo halis weyn ku noqon karta qof aan kala aqoon dalkaas.

Sheekh Abu Dalxa ayaa ka booriyay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ayadu waajib ka saaran yahay dadkaas ay gudato masuuliyada ka saaran, isagoona sheegay in haddii la helo dowlad adag ay fududeynayso dhibta Soomaalida ku haysata dalka Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda Turkiga ay hore u soo saartay amar dhigaya in Ganacsatada Soomaaliyeed ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taala badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Dhibta u weyn ee wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa ah arrimo dhowr ah, haba ugu darnaato midda dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker