Baarlamaanka dowladda Jabuuti oo xulanaya afhayeenka golahaasi

Xilbiga aqlabiyadda heysta ee madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa helay 57 kursi, halka xisbiga mucaaradka ah ee ka qeyb galay doorashadan u helay 7 kursi.

Guddiga dastuuriga dalka Jabuuti, ayaa ansixiyay natiijadi hor-dhaca ahayd ee guddiga doorashada dalka Jabuuti.

Maalinta bari oo ah Axad, ayaa waxa xarunta Golaha Shacabka isugu imaan doono mudanayasha cusub ee baarlaamaanka, oo 35% ay haween yihiin dalka oo dan.

Ajandaha bari ayaa waxa uu yahay dhaarinta xildhibaanada cusub, iyadoo intaas kadib la dooran doono guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti.

Xilka guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, ayaa waxaa ugu cad-cad oo xisbiga aqlabiyadda ay soo xusheen Dileyta Maxamed Dileyta, oo ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Jabuuti.

Dadka yaqaan mas’uulkan, ayaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin qunyar socod ah, oo isku wadi karo muxaafidka oo aqlabiyada baarlaamaanka leh, iyo muucaaradkaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker