Ilmo ku dhex dhashey diyaarad Mareykanka dad ku daad gureynayey

Haweeney reer Afghanistan ah, ayaa ku dhashey ilmo yar, iyadoo saaran diyaarad Mareykanku ay ku daad gureynayaan dad fara badan.

Farriin lasoo dhigey maanta oo axad ah barta twitter-ka, ayuu taliska guur guura ee hawada Mareykanka, ku sheegay in haweeneydan iyo qoyskeedu ka safrayeen Bariga Dhexe, iyagoo kusii jeeday saldhiga cirka ee Ramstein ee Jarmalka, markii ay foolanaysay.

Kadib markii haweeneydan ay lasoo daristay xanuun, taliyaha diyaaradda ayaa go’aan sadey in hoos loo dhigo joogga ay ku duuleysay diyaaradda, si loo kordhiyo cadaadiska hawada ee diyaaradda, taasoo gacan ka geysatey xasilinta iyo badbaadinta nolosha hooyadan.

Markii ay caga dhigatey diyaaradda, dhakhaatiirta ciidanka Mareykanka, ayaa soo dagay, iyagoo ku wareejiyey ilmihii yaraa hooyadii dhashey.

Hooyadii iyo ilmihii yaraaba way caafimaad qabaan, iyadoo loo qaadey isbitaal ka ag dhawaa saldhigga ciidanka cirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker