Dalka Guinea iyo Madaxwayne Alpha Condé 

Dawlada Fransisku markay ku guuldaraystay dagaalka kula jirtay dalalka gumaysan jirtay ee Al Jeeriya iyo IndoAsia (ay ka midka yihiin dalalka Cambodia iyo Vietnam), ayaa madaxwaynihii Franciska ee Charles de Gaulle uu soo bandhigay maxmiyadihii uu gumaysanayay in ay kala doortan in ay qayb ka sii ahaadan Bulsha waynta Faransiiska, sida uu ku cawiyo iyo in xor noqdan,

Dalalkii kale oo dhan waxay doorteen in ay la sii joogan Fransiiska, marka laga reebo Guinea. Guinea waxay ahayd dalka kaliya ee doortay xoriyadiisa. Dalka Guinea oo uu hogaaminayay Axmed Sekoe Tuuro, iyo xusbigiisa PDG (Democratic Paty of Guinea), ayaa ku guulaystay 56 kursi, ee 60 kursi ee golahu ka koobna. Dadkuna waxay si aqlabiyadna u doortay in ay xor noqdan. Taasina waxay keentay inuu Fransiisku si dagdag ah uga baxo dalkooda. Oktobar 2, 1958 ayaa dalka Guinea ku dhawaqday xoriyadeeda, sidan uu madaxwayne ugu noqday Axmed Sekou Toure.

Haddaba, Madaxwaynihii Maraykanka ee Dwight D. Eisenhower aad ayuu u necbaa madaxwayne Axmed Sekou Toure. Taasina waxay ku kaliftay in dalka Guinea xulafo la noqoto Midawgii Soviet (Soviet Union). Tani waxay noqotay guushii ugu horaysa Midawga Soviet uu ka soo hoyo qarada Afrika.
Haddaba, dalka Guinea waxay qaateen nidamkii shuuciyada, lakiin xidhiidhka iyaga iyo Ruushku waqti dheer ma sii qadan. Markiiba dalka Guinea waxay u wareegtay, ooy xidhiidh la samaysay dalka Shiinaha.
Madaxwaynii Maraykanka ee John F. Kennedy iyo agaasimhiisa hay’ada Peace Corp Sargent Shriver (Hay’da dhalinyarada uu Maraykanku u diro dalalka sadaxad), ayaa aad uga shaqeeyay in ay ku qanciyan madaxwayne Axmed Sekoe Tuuro inuu ka jeedsadan dalka Ruushka. 1963 Guinea waxay ku soo biirtay xulafada Maraykanka, taasina waxay u samaxday in ay helaan cawimada iyo maalgashiga Maraykanka, waxaa kale oo soo wanagsamayay xidhiidhkooda iyaga iyo Farasiiska. Marka uu madaxwaynaha Farnsiiska ee Valery Giscard d’Estaing dalka ka talinayay, waxaa kor u kacay xidhiidh ganacsiga ee iyaga iyo Farancisco, xidhiidhkooda siyaasad way soo ceshadeen.
Sanadkii 1960 Axmed Sekou Toure, waxuu noqday kaligii taliye, waxaanu 24 sano dawlada xusbigiisa PDG dalka xukumaysay, iyada oon cid kale la tartamin. Axmed Sekou Toure waxaa la doortay 7 doorasha xileed (5 sano doorasho xileedkiiba), iyada oon lala tartamin.

Haddaba, Axmed Sekou Toure waxaa uu dhintay March 26, 1984, waxaana lagu badalay Raysal Wasare Louis Lansana Beayogui, kaasi oo xukunka sii hayay inta madaxwayne kale la dooranayo.
Sida uu dastuurkoodu dhigayay, waxay ahayd in xusbiga PDG uu doorashada qabto Bishii April 3, 1984, lakiin sacado ka hore intayna kulmin, ayaa Colonels Lansana Conte iyo Diarra Traore ay inqilab dhiig ku daadan dalka ku qabsadeen. Sida ayaa Lansana Conte uu Raysal wasaar ku noqday. Waxuuna markiiba ooda ka qaaday 250 siyaasi oo dawladiii hore xidhay iyo 200,000 oo mustafuris ku maqnaa way soo noqdeen. Waxaa kale uu badalay habka shuuciyada ee dawladii hore ku dhaqmaysay.

Sanadkii 1992 madaxwayne Lansana Conte waxuu ku dhawaaqay inuu xukunkii rayidka ahaa soo celinayo, 1993 waxuu qabtay doorashada madaxtooyada. 1995 doorashada Parliament (Golaha Wakiilada), tasi oo xusbigiisa Midnimada iyo horumarku (Party of Unity & progress) ay ku guulayseen 71 kursi, 114 kursi goluhu ka koobna.
Inkasta oo balanqaaday in dumuqradiyada ku dhaqmayo, hadan waxuu isku sii dhajiyay xukunka. Bishii September 2001 waxaa uu xidhay hogaamiyaha mucaaradka Alpha Conde, (oo iminka ah Madaxwaynaha dalka), waxaanu ku eedayay inuu nabada dalka khatar galinayay. 8 bilood ka dibna wuu samaxay. Markii la soo dayay, Alpha Conde waxuu mustaafuris ku joogay dalka Faransiiska.

Sanadkii 2001 mucaaridku wuu qaadaceen doorashada. Madaxwayne Lansana Conte waxuu qabtay afti xukunka loogu kordhinayo, aftidaasi wuu ku guulaystay. January 2005 madaxwayne Lansana Conte wuxuu ka badbaaday isku day dil. Wakhtigani waxaa dalka ka jiray mashkilado badan, sida jariirada Maraykanka ee la yidhaa Foreign Policy qortay, waxay ku tilmaantay in dalku ku sugayo khatar u horseedi karta in uu noqdo dal saaqiday “failed state”.
Madaxwayne Lansana Conte waxuu geeriyooday bishii December 22 2008, sacado ka dibna waxaa xukunka dalka la wareegay military uu hogaaminayo Muossa Dadis Camara. Bishii September 2009, militraigii dalka qabsaday waxay ku amreen in ciidamadu ka hor tagan isku baxyo dadku kaga soo horjeedeen Muossa Dadis Camara inuu doorashada madaxtooyada isku soo tago. Askartiina waxay xasuuqeen shicibkii, dumar badana way kufsadan.
Haddaba, bisha December 2009, kalkaaliye Madaxaywayne Muossa Dadis Camara oo ka cadhooday dadka shacabka ee askartu dilka iyo xasuuqa kula kaceen, ayaa dhawacay madaxa ah u gaystay madaxwaynaha. Isla markiiba waxaa loola cararay dalka Marooko. Madaxaywayne ku-xigeenka, Sekouba Konate, ayaa madaxwaynuhu si ku meel gadha u noqday.

Bisha Janawari 2010 Madaxaywayne Muossa Dadis Camara, Madaxwayne ku xigeenka Sekouba Konate, iyo Madaxwaynaha dalka Burkina Faso (Blaise Compaore), waxay isla qaateen 12 qodab oo balan qaadaya in lix bilood gudahood, dalka lagu soo celiyo xukunk rayidka ah.
Doorashada madaxtooyada waxaa loo qoondeeyay in ay qabsoonto bishii June 27 ilaa July 18, 2010. Doorashadani oo noqotay dooshadii ugu horaysay ee si xor, oo xalaala uga dhacday waxii ka danbeeyay doorashada xoriyada dalka 1958. Wareegi hore doorashada la qabtay Jun 27, 2010 Raysal Wasaarihii hore Cellou Dalein Diallo iyo Alpha Conde (Madaxwayna iminka) ayaa isku soo hadhay. Lakiin, waxaa lagu eedayay in wax la is daba mariyay, doorashadiina dib ayaa loo dhigay. Doorashada waxa la qabtay November 7, 2010, dadka doorashada dhiibtay aad ayay u badnaayeen, doorashaduna waxay u dhacday si hufan, marka marxalada ku gadamen loo eego.

Bishii November 16, 2010 Alpha Conde (Madaxwaynaha iminka), oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka RGP (Rally of the Guinean People), ayaa ku guulaystay. Wax yaabaha uu ummadiisa u balan qaadayna waxaa ka mid ah; inuu dib-u habyn ku samayn doono nabadgalyada, kontaragyada macdanta dib-u eegid ku samayn doono. Waxaanu ku guulaystay 52.5% codadkii la dhiibtay.
Bishii July 2011, Guriga madaxwaynaha deganyahay ayaa la weeraray, isku day inqilaab. Madaxwaynaha waxba kama soo gadhin. Saddex cisho ka dib waxaa la xidhay 41 askari, 16 askari ayaa lagu eedeeyay isku day inqilaab, iyo shirqool dil.
Madaxwaynuhu waxuu kala diray Golaha Parliament. Doorashada waxaa dib loo dhigay dhawr goor. Madaxwaynahu isaga qiil uga dhiganaya in doorashooyinku noqdan kuwa si hufan u dhaca, oo dimuqradiya, ayuu doorashada dib u dhigay wakhti aan la cayamin.

Alpha Condé (born 4 March 1938), waa madaxwaynaha Guinea ilaa iyo December 2010. Alpha Condé  waxaa uu bisha January 30, 2017, uu noqday madaxwaynaha Midawga Afrika (African Union), isaga oo kala wareegay Madaxwaynaha dalka Jad (Chad), Idriss Derby. January 28, 2018 wuxuu ku wareejiyay Madaxwaynaha Midawga Afrika Madaxwaynaha dalka Ruwanda Paul Kagama. Sanadkana waxaa Madaxawaynaha Midawga Afrika ah Madaxwaynaha Dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi.

Dadka ku nool dalka Guinea waxaa lagu qiyaasa 11,855,411 (11.86 Million). Boqolkiiba 89 (89%) ayaa Muslim ah. GDP (Purchasing Power Parity), ama awooda dhaqaalaha ee dalka waxaa lagu qiyaasa $27.97 Billion. Dalalka afrika waxuu ka noqonayaa dalka 31 (54 dalal ee Africa). Ama 138 dalalka calamka. Kobaca dhaqalaha, waxaa uu dhaqaalahoodu kacay 8.2% (2017), waxaanu noqonayaa dalka saddexaad (3) ee qarada Afrika, waxaa ka horeeya Itoobiya iyo Ghana. Calamkana waa dalka sideeda (8). Anfaca ay beertan ama dhaqdan waxaa ka mida: Bariiska, Coffee, Cananiska, Mango, Muuska, Lo’da, adhi iyo looxa. Khayradka dalkooda leeyahay ay soo saran waxa ka mida: Dhagaxa Alaminiyanta laga sameeyo (Bauxite), dahab, dhayman, dhagaxa birta, waxay kale leedahay warshadaha yar yar iyo warshada qasacadeeya anfaca beeraha laga soo saro.

Hay’da lagu qiimayo dawlada wanaga qarada Afrika ee abuuray ninka maal qabeenka ah ee Soonaniga ahi ee la yidhaa “Ibrahim Index of African Governance (IIAG)” , waxay dalka Guinie noqotay dalka 37 (ee 54 dalalka Afrika), iyo 45.9 boqolkii. Halka Itoobiya ka gashay dalka 35, iyo 46.5 boqolkii. Kenya dalka 15 iyo 59.8 boqolki, Jabouti 38 iyo 45 boqolkii, Somalia dalka 54/54 (dalka ugu hooseeya qarada Afrika), 13.6 boqolkii. Xogtani oo dhan waxaad ka heli kartaa websitkooda: http://iiag.online/

 

Gaba gabadii,
Sida ay saxafada Somalida iyo Somaliland u dhigtay, dalkani ma ah dal yar, dhaqaalihiisuna ma yara, marka loo eego qarada Afrika. Dawlada wanaaga iyo dumuqradiyda waxuu kala mid yahay dalalka Afrika. Sideedaba, way yartahay dal Afrikana oo la doorto, lakiin madaxwayna Alpha Conde doorasho ayuu hogaanka ku yimi. Teeda kale, inaga xidhiidhka aynu dal la samayna kuma xidhna dhaqaalihiisa iyo baxada dhulkiisa iyo dadka ku nool. Muhiimada xidhiidh dal aynu la samaynaynaa waxay ku xidhan tahay, waxa aynu ka rabno ma ka helaynaa? Isla markana dalkani samayn ma ku leeyahay dalalka Afrika iyo calamka. Madaxwayne Alpha Condé, waxaa uu ahaa madaxwaynaha Midawga Afrika, madaxwayne yaasha Afrikana iskamay dooran haddii aanu xidhiidh fiican la lahayn dalal badan oo qarada ku yaala, khasatan dalalka Galbeedka Afrika.
Waxaan saxafada Somaliland ku soo baxay war bixino si qaldan uga sheekeeyay dalka Guinea. Markasta, waxaa fiican waxii Somaliland u soo kordha in aynu tageerno. Madaxwayne Muusana ma laha Somaliland, wakhti kooban ayuu dalka ka talinayaa, cadawada Madaxwayne Muuse Biixi yayna inala fogaan, ee danta qaranka (ama Somaliland First) waa in ay ahmiyadu noqoto.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR ABDI YOUSUF
OAKLAND, CALIFONIA

Home

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker