Baahida qarankeena iyo qarniga 21
Marka aad barbar dhigto dalalka kale ee aduunka dalkeena Somaliland waxaa maskaxdaad iyo maankaaga ku soo dhacaya in nasiib daradii aduunka oo dhan kiish laynoogu shubay oo layna gudoonsiiyaay , markaad eegto qiyamka iyo lunsanaanta diinta ee ay ku suganyihiin dalal badan oo aduunka ahina wax aad mar kale aad xasuusanaysaa in aad tahay ka ugu nasiibka badan ee ilahay ka dhigay islaam kuna noolaysiiyay dal la yidhaa Somaliland oo boqolkiiba boqol muslim ah , markaad aragto horumarka maal iyo maskaxba leh ee aduunyadu ku talaabsanayso maalinba maalinta ka danbaysa wax kuu soo baxaya in dadka reer Somaliland gebi ahaanba daawadayaal ka yihiin horumarka dunida ka socda iyo hayaanka guusha, markaad eegto quruxda iyo wanaaga ay leedahay qaranimada ka hirgashay dalalka aduunka waxaa qalbigaaga gubaya qolo qolada iyo qabiilka laysug haysto dalkaaga.
Waxaan qabaa in baahida u wayn ee aynu qabnaa guud ahaan Somaliland ay tahay in la helo hugaamiye diin iyo daacadnimo leh ,hugaamiye hiraal fog leh , hugaamiye ka run sheega duruufta dhabta ah ee dalka iyo dadka , hugaamiye caadil ah (alle ayaa caadil ahe) hugaamiye dalka inoo dhisa laakiin aan inaga dhaqan , hugaamiye quluubta inaga mideeya laakiin aan ina kala qubin , hugaamiye run sheeg ah laakiin aan riwaayad inoo jilin , hugaamiye qiimeeya aqoonta balse aan qiimayn qabiilka sidoo kale hugaamiye la jaanqaadi kara horumarka dunida ka socda.
Waxaan qabaa in aan muraayadaha qalafsan ee qabiilka ah ee aynu xidhanahay aan lagu helayn hugaamayaha saxda ah ee aynu u baahanahay , sidoo kale in lagu sii socdo dariiqaa qabaliga ah waxaan qabaa in aan laga helay badhaadhe iyo barwaaqo waarta midna , si dhaxal wanaagsan iyo dhul qurux badan ay inooga dhaxlaan jiilka soo socdaa , waa in aynu bedelnaa fikirka iyo ficilada aynu qabano labada .
Si gaar ah waxaan fariin ugu dirayaa dhalinyarad oo ah 75% guud ahaan dalka kuwaas oo ku milmay sidoo kale cudud iyo ciidanba u noqday qorshayaasha aan dhaafsiisnayn qof ama qoys , waxaan sidoo kale rabaa in aan dareensiiyo in muuqaalka guud ee dalku noqon doono hadba sida ay u fikiraan ama uga fal celiyaan xaaladkasto saamayn ku leh noloshooda iyo dalkooda , qofka ay rabanaan in uu hugaamiyo waa in ay qiimayn dhab ah oo qabiil ka madhanyahay lagu sameeyaa iyadoo loo eegayo wax uu ka qaban karo baahiyaha dalka ka jira sida Shaqo la,aanta, Caafimaadka,Waxbarashada , Biyaha , Wax soo saarka dalka iyo wax la hiigsanayo labadaba , sidoo kale waa in qiimayn dhab ah lagu sameeyo qofka la doorto hadba sidii uu shaqada u qabtayna la eego , hadii uu wax wanaagsan qabtayna waa in la abaal mariyaa hadii uu waxba ma qabte noqdayna lala xisaabtamaa.
Waxaan ku soo koobayaa
” kulminta tagtadii shalayto iyo joogtada maanta waa oddorska timaadada berito”(Dr omer raabi).
W/Q: Keyse Abdillahi Yousuf (dhisaaye)
Email: dhisaaye122@gmail.com