Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo iska Difaacday Warar ay ka Qoreen Warbaahinta Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay warar been Abuur ah oo qaar kamid ah warbaahinta Kenya ay ka tabiyeen taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kaasi oo lagu daabacay wargeysyada The Star iyo The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya.

 

 

Waxaa ay sheegtay dowladda Soomaaliya in warkaasi been abuur uu yahay, waxaana ay ku tilmaantay weerar lagu bartilmaameedsanayo dowladda iyo hay’adeheeda.

 

 

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA waxaa ka go’an in ay sii waddo dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al-shabaab,sidoo kale wararka been abuurka ah warbaahinta Kenya ay tabisayna waa mid la doonayo in lagu dhaawaco Hay’adda”. ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in laga fogaado wararka borobogaanka ah oo la xiriira NISA, sidoo kale warbaahintu waxay ku boorisay in aragti fiican ay ka qaataan arrintan oo kale, islamarkaana ay ka fogaadan war aan la hubin oo bulshada marin habaabin kara.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker