G.Degaanka Buuhoodle Oo Ansixiyay Xeer Hoosaadkoodda iyo Miisaaniyad Sanadeedka 2022-ka

Kal-fadhigii labaad ee golaha deegaanka degmadda Buuhoodle ayaa maanta si rasmiya loogu soo gebagabeeyay xarunta dawladda hoose ee degmadda Qorilugud, oo ka tirsan isla gobolka Buuhoodle.
Waxaana kal-fadhigaasi shir-guddoominayay maayarka Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, waxaana soo xaadiray 11-ka mudane ee uu golaha deegaanka Buuhoodle ka kooban yahay.
Sidoo kale waxaa kal-fadhigaasi lagu ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2022-ka ee golahaasi, iyo sidoo kale xeer hoosaadka deegaanka Buuhoodle uu ku shaqayn doonno.
Waxa kaloo xidhitaanka fadhigaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Cumar Faarax (Jar-kunaban), taliyaha qaybta booliska gobolka Buuhoodle, iyo masuuliyiin kale.

Maayarka degmadda Buuhoodle, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka Buuhoodle marwo Khadiija Axmed Aadan, ayaa soo dhawaysay ansixinta xeerka, xeer 23aad, ee ay isku dhiqi doonaan golaha na ay ku hogaamin doonta, isla markaana maamul daadejin ay bulshadoodda ugu addeegi lahaayeen ay ku soo saari lahaayeen.

Sidoo kale maayarka Buuhoodle, ayaa u mahad celisay guddoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Cumar Faarax (Jar-kunaban), oo ay sheegtay inuu tan iyo markii golaha cusub la doortay la garab taagnaa dhiiri gelin iyo sidii ay golaha deegaanka Buuhoodle shaqadoodda u gudan lahaayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker