ADAY KUU WACNAYD
Aday kuu wacnayd (fariidaw )
Keene iyo kordhiye
Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib ma dhegaysanaysay
Kii lalahaa waa gudoomiya ku xigeen kulmuye oo iska madhaaciyay
Ee lahaa kumishanku way joogayaan abaal marinna way mudanyiin
Waayo doorashadii ugu wacnayd ee weligeed ka dhacda S/LAAN
Ayay qabteen saaxiib maxaan ku idhaa .
Kordhiye. Saaxiib aadbaan ugu qoslay aqoon yaraanta ku jirta
Waxaan kusii qoslay markaad ugu yeedhay fariid waayo waxaad
Usheegtay inuu nacas yahay laakiin isagu runbuu uqaadanayaa
Noociisuna waa noocaย ย digtaatoorku ugu jecel yahay ee meel walba
Loo diro hadduu aabihii yahay ka laaban mayo.
Doorashadana waxaad tidhaa aday kuu wacnayd shacabka
S/LAANย ย been ha ka sheegin waxay qirayaan inaanay doorasho dhicin
Ee boob iyo xaaraani dhacday laakiin nabad gelyada waddanka
Aa wadeed loo liqay xumaantii dhacday intaa usheegย ย kaa fariidka ah
Guuleed liibaanย ย ย ย snm1710@live com