Ciidammada Ammaanka Somaliland Oo Xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah hal-abuurada da’ada yar ee reer Somaliland.

Ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr balse warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in loo xidhay qoraalo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay bartiisa Facebook-ga.

Maaha markii ugu horraysay ee la xidho Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr balse waxa jiray marar hore oo la xidhay iyada oo lagu soo eedeeyay qoraalo faafiyay.

Ciidammada boolisku wali kama hadal sababta rasmiga ah loo xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker