Xisbiyada Mucaaradka ah oo casuumad u Sameeyaay siyaasiyinti Xabsiga laga Sii Daayaay

Hoggaanka labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa maanta munaasibad qado sharaf ah ku qaabilay masuuliyiintii iyo xubnihii labada Xisbi ee shalay laga soo daayay jeelka Mandheera iyo sida oo kale qaybo ka mid ah dadkii wax ku noqday dibadbaxii 9-kii June.

Masuuliyiinta ayaa ka xog-warramay waayahoodii Xabsiga ay muddada bisha ku dhaw sida sharci darrada ah ugu jireen islamarkaana ka mahadceliyay barbar istaagga ay ka heleen Xisbiga iyo taageerayaasha.
Madaxda sare ee labada Xisbi ayaa madasha ka jeediyay hadallo dardaaran iyo dhiirgelin ah, islamarkaana hoosta ka xariiqay in loo dhabar adaygo halganka isbedel doonka ah ee Xisbigu wado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker