Senegal oo ka hadashay suurtaglnimada in albaabada la iskugu dhufto saldhigyada miltari ee Faransiisku ku leeyahay wadankaas

Ra’isul Wasaare, Ousmane Sonko ayaa ka dhawaajiyay suurtagalnimada in la xiro saldhigayada milatari ee Faransiisku ku leeyahay Senegal.

Isagoo ka hadlayay shir ka dhacay caasimadda Dakar, Mr Sonko ayaa la yaab ku tilmaamay sababta Senegal ay wali Faransiisku ugu leeyihiin saldhigyo, in kabadan 60 sano kaddib markii ay xoriyadda ka qaateen.

Mr Sonko ayaa su’aal ka keenay saameynta joogitaanka miltariga Faransiisku ku yeelan karo gobnimada Senegal.

‘’Waxan ku celcelinayaa doonista Senegal ee ah inay arimaheeda koontaroosho, taas oo suurtagal ah marka la soo gabagabeeyo joogitaanka saldhigyada miltari ee shisheeye ee Senegal,’’ ayaa laga soo weriyay Ra’isul wasaaraha.

Faransiiska waxa ka jooga Senegal 350 askari.

Waxa uu sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin Maali, Burkino Faso iyo Niger oo kuwaas oo wadamadooda ka saaray ciidamada Faransiiska, una wareegay Ruushka si calool u shaqaystayaashiisa ay gacan uga siiyaan dagaalka ka dhan ah kooxaha islaamiyiinta mucaaradka ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker