GABAY; GURMAD GEYIGA SOMALILAND.

Guyaal iyo guyaal tegay ,
dalkii gaabis buu galay,
aniguna ka gaabsaday,
markaan xaajo garanwaayey,
galiilyada dareenkay gubay​,
gooni ugu goohay,
nafda geliyey gobanimo,
inay gabis soconayso,
gudihii laga guray,
sidii sebenki gaaroodi,
barigii gubtaanyaa gashiyo,
geed la garanwaayey,
ictiraaf la goobiyo,
lawaa geesiyaal kaca,
igaad ood ka guul keenta iyo,
geelle garanwaynay,
intaas oo gabood fala,
markaan geliyey laabtayda,
danahayga gaarka is idhi,
yaanu kaa guban,
gurmad maalintaad aragto,
uun gaagaxa u diid,
maanteeq mar uun bay,
godlane gaawaha u cugo,
dhalintaa gidaarada fadhida,
way guntanayaane,
guushooda way garan,
markay gaadho kala guure,
sida guusha oromadu timid,
waydin garataane,
geyigeena guusha u dhaliya,
iyo goolki nololeed,
somaliland yeyna gelin,
gego colaadeede,
guusheenu waa gacan mida,
iyo guusha nololeede,
ka gun gaadha waxan goobayniyo,
guusha qarankeena,
gilgishaay hasheenii gobaad,
way  qaldhebaysaaye,
intaan gawrac loo dhigin,
ma tahay inan ka gaadhnaa.
GUUL IYO GOBANIMO
SOMALILAND IYO SOMALILANDERS.
WADANI SOMALILANDER
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDA;LI DUBAI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker