FILANWAA Qaybti 1aad Qiso Jacayl Oo Taxana Ah…..

FILANWAA!

 

Waa xili barwaaqo ah, dad iyo duunyaba deegaanka waa lagu nabadqabaa, in  kastoo wakhtigaas maggaalada Baladweyn ay ka jirto, cabsi laga qabo biyo baxo ama fatahaad, maadaama Wabiga shabeele uu aad ubiyo keenay, laakiin jawiga guud waa mid dagan.

Maxamed waa wiil dhalin yaro ah oo dagan xaafada kooshin ee magaalada Baladweyn, wuxuu wax kabaran jiray iskuulka Mujamac Diiba, waa arday dadaal iyo fahmo Alleh uhibeeyay, islamarkaana jecel in uu waxbarashada heer kagaaro.

Sidoo kale waa wiil dabeeco iyo dhaqan wanaagsan kuna soo barbaaray guri bulsho ah.

Dhanka kale, waxaa jirtay gabadh magaceeda la yidhaahdo Canab, oo daganayd Xaafada Laabka ee Xaawo taako isla magaalada Baladweyn, Maxamed iyo Canab iskuul ayay wada dhigan jireen, waxay ahaayeen laba qof oo aad iskaga dhow ardayda kale, waxaa dhaxmaray xidhiidh wanaagsan iyo jacayl qoto dheer, illaa ay ka noqdeen laba qof oo isku kalsoon, rajo wanaagsana kaqaba inay noolasha qaybsadaan, duruufo adag iyo dadaal badan kadib, waxay isla meel dhigeen inay himaladooda ka midhaliyaan.

Sidaa awgeed, waxay ku balameen sanadkan marka iskuulka laxidho, inay aqalgalaan, haddii Eebe idmo, oo ay mustaqbal ay wadaagaan.

Iyada oy xaaladu sidaa tahay, ayaa waxaa dibada ka yimid, wiil ay Canab ilmaabti yihiin oo muddo sanaddo ah qurbaha ku noolaa.

Ujeedada safarkiisa ee uu ku soo guryo noqday deegaankii uu ku dhashay islamrkaana uu ka tagay isagoo aad uyar, waxaa udheera oo uu qorshaha ugu jiray, mudada gaaban ee uu magaalada Baladweyn joogo, inuu guursado oo uu guri yeesho, kaddibna dib ugu laabto halki uu ka soo kicitimay.

Muddo Labba usbuuc kaddib oo uu Axmed qaraabo salaan iyo nasasho ku jiray, ayaa maalin dambe Canab aabaheed sifiican isu waraysteen, sheeko iyo xog-waran badan ka bacdi, Axmed wuxuu odayga u sheegay, inuu damacsanyahay haddi uu hello qof wanaagsan inuu guri yeesho oo guursado, sidaa darteed odayga wuxuu ka codsaday inuu gabadh wanaagsan reeraha uga soo indha in dheeyo, wuxuuna ku yiri:

“waxaan doonaya qof mustaqbal wanaagsan ii noqota iyo inaan la xidido qoys fiican”, mida kale wuxuu intaa u raaciyay wakhtiga fasaxa uu haysta oo aad uyar in durba howsha la gudagalo, sidaa ayaa laysku afgartay.

Canab aabaheed isla markiiba wuxuu go’aansaday in uuna meel fogba gabadha udoonin, ninkana wakhtiga aanu ka luminin, maadaama gashaanti uu isagu dhalay, masuulna ka yahay ay guriga joogto, taaso u hanqaltaagaysa mustaqbal iyo guur, diyaar garowna ugu jirta cugasho qofkii ay noolasha lawadaagi lahayd, wuxuu iska dhaadhiciyay Alleelaha wiil xun oo ciyaala suuqa intii ay kuu keenilahayd, ninkan wanaagsan ee inaabtiga yihiin kuddar, isaga ayaa dhaqan kara, waana nin qurbe ka yimid oo iska ladan, sidaasuuna arrinkii ku soo afjaray isagoo aan cidna kala tashan, go’aankaana hoosta ayuu ka xariiqay.

Odaygu wuxuu aad ugu hanwaynaa Canab in aanay marnaba wax hadala ku soocelin doonin, reerka intiisa badan si hoose ayuu u la socodsiiyay, wuxuu ka dhaadhiciyay inuu Axmed iyo Canab isku dari doono, sidaa darteedna aan loo kala hadhin oo ay garab kusiiyaan.

Inkastoo guux hoose jiro, haddana wax caqabada madhicin, sababtoo ah, waan ognahay haddi uu qofku aduunyo gacanta ku hayo inuu leeyahay qiimayn gaara, ninka qurbaha ka yimidna hadalkiiba daa oo ixtiraam gooniya ayuu leeyahay.

Reerku intooda badan waa ay la qaateen go’aanka odayga, Canabse waa warmoog.

Intaa kadib odaygu wuxuu sameeyay  arrin kaddis ah, odayaal iyo culumo ayuu  xarunta Dalxiiska  ku balamiyay, halkaasaana Canab lagu bixiyay  oo Axmed siin iyo meher laysugu  daray, duco iyo gacanqaad ayaa ka dhacay si farxad leh ayay howshu ku soo dhammaatay.

Odaygu markuu xaafadda yimid, wuxuu qoyska intii sheekada la socotay u sheegay in Canab lagu mehiriyay Axmed, toddobaadka soo socdana uu dhici doono aroosku, sidaa darteed in laysku diyaariyo qabanqaabada howsha arooska.

Canab markii ay maqashay sheekada guriga ku dhax wareegaysa, waxay ku noqotay Filanwaa la yaabkeeda leh, taaso murugo iyo fikir durba ku abuurtay, xilli dambe oo uu aabbaheed magaalada ka yimid ayay gooni ula faqday iyadoo ooyaysa, waxayna aabbaheed ku tidhi:

Intaa ha inoo joogto qaybta 1aad ee sheekadii Filanwaa lasoco qaybaha dambe….

 

 

W/ Q: yaasiin xasan xasan

Yaasiinxm114@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker