Muhaajiriin Lix Maalmood Ku Xanibnaa Dekedda Sicily oo ka Degey Talyaaniga.

Muhaajiriinta oo ku xannibnaa markab joogay dekedda Sicily muddo lix maalmood ah ayaa loo ogolaaday inay ka soo degaan, taasoo soo afjartay ismari waagii u dhaxeeyey xukuumadda Talyaaniga iyo dalalka kale ee ku jira Midowga Yurub.

Lix maalmood ayuu Talyaanigu diidanaa in muhaajiriintu ay ka soo degaan markabka

Talyaanigu wuxuu diiday inuu ogolaado in muhaajiriintaas badankood ay soo degaan, ilaa iyo inta xal laga gaarayo halka la gaynayo.

Goor dambe oo Sabtidii ah ayaa wasiirka arrimaha gudaha, Matteo Salvini, wuxuu shaaca ka qaaday in tiro baadariyaal ah ay ogolaadeen in ay qaabilaan.

Mr Salvini ayaa waxaa ku socda baaritaan ku saabsan kaalinta uu ku leeyahay ismari waaga.

Dacwad oogeyaasha Sicily waxay fureen baaritaan ku saabsan go’doomin qayrul sharci ah, xarig aan sharciga waafaqsanayn, iyo awoodda oo uu si xun u isticmaalay.

Dad aan badnayn oo isugu jiray carruur iyo dad xanuunsan ayaa loo ogolaaday inay markabka ka degaan

Waxa ay mudan doonaan 140 muhaajiriin ah, kuwaasoo badidood u dhashay Eritrea, ayaa dhalisay dibadbaxyo gudaha Talyaaniga ka dhacay todobaadkii hore oo dhan, waxayna arrintaas soo jiidatay indhaha caalamka.

Markabka oo la yiraahdo Diciotti ayaa yimid dekedda Sicily ku taalla ee Catania isniintii, laakin ilaa Sabtidii shalay ahayd, tiro aad u yar oo dad ah ayaa loo ogolaaday inay Talyaaniga galaan, waxaana ku jiray carruur aysan cidina la socon iyo dad xanuunsan, kuwaasoo laba ka mid ah la sheegay in ay qabeen cudurka qaaxada.

Mr Salvini wuxuu diiday ruqsadda uu markabka ku dajinayo dadka saaran, ilaa iyo inta Midowga Yurub uu ka ogolaanayo in muhaajiriinta loo qaybiyo dalalka kale, isagoo sheegay in inuusan doonayn in muhaajiriintu ay “culays” ku noqdaan muwaadiniinta Talyaaniga.

Qawaaniinta Midowga Yurub waxaa ka mid ah in dadku ay magangelyo weydiistaan halka ay ka soo galaan Yurub, laakinse Talyaanigu wuxuu si isa sii taraysa isu hor taagayey doomaha.

Isagoo hadlayey gabagabadii ismari waaga, ayuu Mr Salvini sheegay in baadariyaashu ay “u furayaan irdahooda, quluubtooda, iyo jeebabkooda” dadka muhaajiriinta ah.

Ireland iyo Albania ayaa la sheegay in ay ogolaadeen in ay qaataan tiro muhaajiriinta ka mid ah.

Talyanigu wuxuu aad uga gilgishay in qaxooti uu ka soo dego xeebihiisa "haddii aan culayska lala qaybsanayn"

Heshiiska ayaa yimid ka dib markii Qaramada Midoobay ay ka codsatay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub in ay “si dhakhsiyo leh” ugu yaboohaan meelo kale oo dib dejin loogu sameeyo muhaajiriinta.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Filippo Grandi, wuxuu ku sheegay hadal uu soo saaray in Yurub ay aqoonsatay “xil sharci ahaan iyo niyad ahaanba saaran” oo ah in ay “caawiyaan dadka ka soo cararaya dagaallada, rabshadaha, iyo cadaadiska”.

“Waxaa la gaaray wakhtigii la soo afjari lahaa is jiid-jiidadka ka dhaxeeya dalalka ee la xiriira cidda qaadanaysa mas’uuliyadda ugu yar ee dadka badda laga soo badbaadiyo” ayuu yiri.

“Waa khatar, waana arrin aan niyad ahaan la aqbali karin in nolosha qaxootiga iyo dadka magan galyo doonka ah khatar la galiyo, ayadoo dalalku ay isku haystaan xarig jiid siyaasadeed oo ah xalka wakhtiga fog” ayuu sii raaciyey.

16 qof ayaa Sabtidii la ogolaaday inay ka soo degaan markabka, waxaana sidaa dalbaday dhakhaatiirta, ka dib markii wasaaradda caafimaadka ee Talyaaniga iyo bisha cas ay markabka fuuleen.

Horrantii todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa 27 ilmood oo aysan cidina la socon, iyo 13 qof oo u baahnaa gargaar caafimaad oo degdeg ah waxaa iyagana loo ogolaaday inay ka soo degaan.

Qaar ka mid ah dadka saaran ayaa la sheegay in ay cunnada diideen, ayagoo sidaa u yeelaya inay cabashadooda muujiyaan.

Tan iyo 2014, in ka badan 640,000 oo muhaajiriin ah ayaa ka degay xeebaha Talyaaniga. Inkastoo tiro badan oo dadkaas ka mid ah ay dalal kale sii aadeen, misna qaar ka mid ah ayaa Talyaaniga weli jooga.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tiro ka badan 1,600 ay noloshooda ku waayeen badda Mediterranean-ka oo ay doonayeen inay ka gudbaan 2018kii, inkastoo tirada guud ay markii dambe hoos u dhacday.

Bishii Luulyo, 450 qof oo muhaajiriin ah ayaa loo ogolaaday inay ka degaan Sicily, ka dib markii dalalka Faransiiska, Jarmalka, Malta, Boortaqiiska iyo Spain uu mid walba ogolaaday inuu 50 qof qaato.

Xigasho:- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker