Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Jubaland oo sheegay inaan Loo baahnay wakhti kale oo kordhis ah

Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaan loo baahnayn tallaabooyin kale oo la qaado si wax loogu kordhiyo hannaanka qabashada doorashada hoggaanka ee maamulkaasi.

Xamse ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkii lagama maarnaanka ahaa la qaaday, sidaasi daraadeedna aanan loo baahneyn in wax lagu kordhiyo hannaanka.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ku sheegay warqad qoraal ah oo uu u diray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qabailsan Soomaaliya iyo Somaliland James Swan.

James Swan iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee AU iyo IGAD ayaa iyagu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo labada hannaan ee is garab socda, isla markaana laga dhigo doorashada mid furan oo qaybaha ay khusayso ay ku wada heshiiyaan.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku sheegay warqadda uu maanta soo saaray inuu ka xun yahay hadallada ku qornaa warqadda la sheegay inay kasoo baxday James Swan waxaana uu ka dalbaday raalligelin beesha caalamka waxa uu ugu yeedhay “in laga beensheego aragtida” dadka Jubbaland.

Waxa uu ku sheegay in diiwaangelinta dib loo furay isla markaana waqti lagu daray xilligii ay dhici lahayd doorashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker