Ninkii Ku Caanbaxay Heesta ISMA ORAN Ee Xaalkiisa Ku Dilay Maraykanka Oo Lagu Qabtay Dalka Panama

Nin Somali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu xaaskiisa ku dilay dalka Mareykanka horaantii bishan March 2019 ayaa lagu qabtay dalka Panama halkaas oo uu u baxsaday.

 

Ninkan lagu magacaabo C/casiiis Keerow oo 45 sano jir ahaa ayaa loo jaray warqadka lagu soo qaban lahaa, waxaana loo heystaa dilka xaaskiisa Muna Salaad Kuuri 36 sano jir oo Guri ay ka deganaayeen magaalada San Diego ee dalka Mareykanka laga helay meydkeed, waxaana dhacday in la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay.

 

Ninkan ayaa intaanuu xaaskiisa dilin si toosa facebook-ga usoo galay isaga oo u qaadaya marxuumada heesta ISMA ORAN oo markaas macno badan samaynaysa lana fahmay ujeedada heestaas .

Jimcihii maanta ayay Booliska San Diego shaaciyeen in C/casiis Keerow lagu qabtay dalka Panama markii la ogaaday 20-kii Maarso inuu galay dalkaasi, iyadoo la filayo in loo dhoofiyo dalka Mareykanka toddobaadkan loogu maxkamadeeyo.

 

Booliska ayaa ogaaday in C/casiis hore loogu soo eedeeyay Daroogo, waxaana qoyska xaaska uu dilay ay sheegeen inuu dembiile ahaa, isla markaana uu isagu dilay gabadhooda.

 

 

Muna Salaad Kuuri

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker