Dawlada Federaalka ah ee Soomaliya Oo u Muuqata mid ka Biyo Diiday Go,aanka ka soo Baxay Maxkamada ICJ
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Xalay ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga Dacwadda Baddu ay Maxkamadda hor taallay waqtiga dheer.
Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib Loo dhigay waqtiga dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyado maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.
Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa Dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.