Saudi Arabiya oo Jamhuriyad Somaliland inuu daneynaayo Muujiyay ? balse waxay jirta JSL IYO Ummadeed sidii ay uga faa,iidaysan lahayd .

Madax- weyne ku xigeenka JSL oo gudashada Xajka u tagay Dhulka Barakeysane ee Xaramka.

Ayaa ka dib markii uu soo dhameystay Gudashada Shiekhsiga ee ku waajib qof kasta oo ka mid ah Ummada Islaamka waa Qofkii “Awoodee” ayaa weli ku sugan Dalka Saudi Arabia Casimadiisa Riyad halkaas oo uu la kulmay Masuliyinta Boqortooyada iyo Qaar ka mid ah Wasaradaha Dalka oo ay ka mid yihiin sida Xafiska Madaxtooyada, iyo Wasarada Ganacdiga . Sida uu Madaxweyne xigeenku ku xaqiijiyey bogiisa #Twitter” oo faah fahin kooban ugu soo gudbiyey Ummada JSL iyo halka uu maranaayo Howlaha Qaranka ee uu ugu ha kaday Boqortooyada Saudi Arabia ka dib waajibaad ka Xajjka uu soo dhameystay .

Waa Albaabkii Saudi Arabia oo in badan ka xidhna JSL oo iminka la odhan karo waxa isu fur furay si si yar in kasto ay dhici karto in la arko in Madaxweynaha Qaranka Muuse Bixii Cabdi ina Madaxwwyne ku xigeenku xaska iyo gocondhada uga sii guraayo sidii uga heli laha Marti qaad rasmiya oo uu ku tago boqortooyada Saudi Arabiya halkaana cilaaqada cusub oo dhab ah JSL la yeelato Saudi Arabia ay dhici karto.

Waanna mid Ummada JSL in badan ku taamayeen  in badan ku hamiyayeen inay Maalin ,gaadhi doonaan  in kasto aanu aheyn  wax lagu yeedhi karo  in Albaabka Saudiga Arabia ,inta badan JSL iyo Ummadeedu garacaysay ayaa furmay balse hadana waxa la odhan kara  garaci isteen waa la maqlay waanna la inaga furay la inala hadal na  waanna   heerkii ugu sare  ee Madaxda JSL lagu qaabilo marka laga tago kuwa sida dadban loo la kulmi jirey amaba si dadban laysu dhaafsan jirey macluumaadka kala duwan ee dawladuhu is dhaafsadan inta badan  aan  la la wadaag Ummada ilaa wax rasmi noqon kara ay jiraan mooyaane

Waxay sidoo kale aad iyo aad baahi weyn u qabta  Ummada JSL laba shay oo kala ah in ay Passport JSL ku soo gutaan Waajibaadka Xajjka iyo Cimrada iyo In Xoolaha Nool si wanaagsan oo qiimo iyo qaderin ganacsi iyo mid ummada xusmadeed leh Saudi arabia uga iibsato JSL, waanna dhibaato weyn oo si guud u haysata Ummada JSL  ,waanna kuwa aad ummd ahaan aynu u daneyno in mar walba xidhidhka Saudi Arabi aynu helo kuna guuleysano.

Alle Ha ku soo guuleeyo Madaxweyne ku xigeen iyo inta kale ah Masuuliyinta Qaranka Howlah wax tarka weyn u leh Qaranka iyo Ummadaba ee ay u joogan Saudi Arabia.

Insha Allah JSL iyo Ummadeedba GuuL iyo Gobonimo.

 

 

Abokor Mohamud

abokorm@hotmail.co.uk

Bolton Uk

Waa Billahi Towfiiq

————————-

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker