Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Khadar Maxamed Faarax Caynaashe Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex 2019

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Khadar Maxamed Faarax Caynaashe oo horaantii 2014 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan isla markaasina u tartamaayai Doorashada Golaha Wakiilada ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex .

Musharax Khadar Maxamed Faarax Caynaashe oo kamida Aqoonyahanka dalka dibadiisa wax kusoo bartay isla markaasina kamida , dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Gobolka Maroodi-jeex ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharcidarada iskaga fadhiyey.

Musharax Khadar Maxamed Faarax Caynaashe oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex ,

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Khadar Maxamed Faarax Caynaashe Baahi Weyn bay bulshada Gobolka Maroodi-jeex u qabaan inuu kusoo biiro Golaha Deegaanka Xildhibaanada ku matalaaya Golaha Wakiilada,waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

Mustafe Cumar Nuur

Berbera/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker