NINKA XAMAR U SHAQO TAGAY EE HARGAYSA U DALXIIS YIMID WAA DAMBIILE QARAN. MAXAA NACIIMO QORANE LOO XIDHAY SADDEX SANO.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha miyaanay ahayn inuu garto waxa ay shaqadiisu tahay. Mise waxaa ka qaldan shaqadii loo igmaday, oo waxaa ka gadmaday garaadkii.
Ninkii maamulka Xamar u shaqeeya ee Hargaysa yimid, miyaanu ka mid ahayn kuwa dhuuni raaca ah ee maamulka Xamar kala qayb qaata sida Somaliland jiritaankeeda loo wiiqi lahaa.
ย
Miyaanu ka mid ahayn maamulka Xamar ee geed gaaban iyo geed dheerba u fuula inuu caalamka ka dhaadhiciyo inaanay Somaliland ahayn dawlad.
Kuwa maamulkaa u adeega, ee marag looga dhigto marka ay ku doodayaan dad somaliland u dhashay ayaa maamulkayaga ku jira, kuwaas oo si toosa uga soo horjeeda gooni isutaagga somaliland . miyaanay ahayn dambiilayaal qaran.
ย
Siday ku dhacdaa inay hargaysa usoo dalxiis tagaan iyagoo waxaasoo dembi ah qaranka u gaystay.
Siday ku dhacdaa in dembigooda lagu soo koobo dalka ayay sharci laโaan kusoo galeen.
Siday ku dhacdaa inay caddaystaan inay ka tirsan yihiin maamulka Xamar, ayna kasoo jeedaan somaliland, darajada lasiiyayna lagu siiyay, magaca ay sheegteen,iyo inay ka qaybqaateen dagaalka Xamar kula jirto somaliland.
ย
Ninka xidhan ee lagu eedaynayo sharci laโaan ayuu dalka ku yimi,, haddii dembigiisa lagu qaadi waayo iyo dhaawaca uu dalka gaadhsiiyay, ee ah inuu maamulka Xamar kala qayb galay mijaxaabinta qaranka Somaliland, berri waxaa iman doona ninka baarlamanka Xamar uga tirsan Somaliland, iyo wasiirada Somaliland u dhashay ee Xamar maamulkeeda ka tirsan, ee waagii baryaba ka shaqeeya hagardaamada qaranimada Somaliland
ย
Xeer ilaaliyaha qaranku ha qabsado shaqadiisa, haddii ninkaas la sii daayo, berri ka kale ee yimaadda dembi lagu qabsado la heli maayo.
ย
Qaranimada somailand ilaalinteeda ayaa ka mudan ruux kasta oo ka qayb qaata hagardaamada iyo la dagaallanka qaranimada Somaliland.
Ruuxii Xamar u adeegsato inuu kala qayb qaato duminta Somaliland, ee marka sharcigu qabto reer hebel lagu sii daayo, qaranku sidaa ku shaqayn maayo.
ย
Sharcigu ha shaqeeyo.
ย
Eng. Yousuf Ahmed
London U. K.