DHACDO NAXDIN BADAN: Gabadh Yar Oo La Waayey Muddo Ku Dhow Bil Ayaa Laga Helay Guri Ku Yaala Magaalada Hargeysa

Hargesa(OWN)- Gabadh yarΒ  ayaa lagu waayey magaalada hargeysa in ka badan 27 maalmood ayaa xalayΒ  laga helay guri ku yaala xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa.

 

 

Gabadhan ayΒ  dadeedu tahay 15 Jir laguna magacaabo Cawo waxaa dhalay mid ka mid ah madaxda shirkadda Daryeel Construction Eng Cabdirashiid Cabdiraxmaan Xandule ayaa sida ay war lagu kalsoon yahay Oodweynenews soo gddhayΒ  inΒ  Cawo ay aabeheed kasoo garaacday telefoon si qarsoodi ah guriga lagu haystoΒ  Β  Β markii ay haloo aabo tidhina si degdeg ah looga qaaday telefoonkiibaΒ  kadibnaΒ  aabaheed Eng Cabdirashiid markii uu ku celiyey telefoonka siyaabo kala duwanΒ  Β loola dhaqmay iyadoo loo sheegay in Farmasii ay gabadha yari soo gashay kana soo garaacday telefoonkaas kadibna baxday iyo marar lagu dhigoba.

 

Eng C/rashiid ayaa islamarkiiba la xidhiidhay ciidamada Booliska iyo CID-da iyagoo kaashanaya mid ka mid ah shirkaddahaΒ  isgaadhsiintaΒ  taas oo sababtay in la garto goobta laga soo garaacay telefoonkaas ee Cawo ooΒ  afduub laguΒ  haystaana joogto islamarkaasna ay ciidamada u dhaceen gurigaas halkaas oo loogu tagay CawoΒ  oo la la’aa ku dhawaad bilΒ  oo laba qof oo kale .

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada booliska ay xabsiga u taxaabeen laba qof oo gurigaas joogay.

 

Cawo ayaa bishii hore la waayey maqal iyo muuqaalba kadib markii ay suuqa kasoo laabatay iyadoo ku socota gurigooda xaafadda macalin haaruun ee bariga magaalada hargeysa .

 

Sawirka hoose waa Cawo ooΒ  lagu baafinaayey magaalada Hargeysa mudadii bisha ku dhawayd.

 

Oodweynenews

Hargeysa Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker