DHACDO NAXDIN BADAN: Gabadh Yar Oo La Waayey Muddo Ku Dhow Bil Ayaa Laga Helay Guri Ku Yaala Magaalada Hargeysa
Hargesa(OWN)- Gabadh yarย ayaa lagu waayey magaalada hargeysa in ka badan 27 maalmood ayaa xalayย laga helay guri ku yaala xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa.
Gabadhan ayย dadeedu tahay 15 Jir laguna magacaabo Cawo waxaa dhalay mid ka mid ah madaxda shirkadda Daryeel Construction Eng Cabdirashiid Cabdiraxmaan Xandule ayaa sida ay war lagu kalsoon yahay Oodweynenews soo gddhayย inย Cawo ay aabeheed kasoo garaacday telefoon si qarsoodi ah guriga lagu haystoย ย ย markii ay haloo aabo tidhina si degdeg ah looga qaaday telefoonkiibaย kadibnaย aabaheed Eng Cabdirashiid markii uu ku celiyey telefoonka siyaabo kala duwanย ย loola dhaqmay iyadoo loo sheegay in Farmasii ay gabadha yari soo gashay kana soo garaacday telefoonkaas kadibna baxday iyo marar lagu dhigoba.
Eng C/rashiid ayaa islamarkiiba la xidhiidhay ciidamada Booliska iyo CID-da iyagoo kaashanaya mid ka mid ah shirkaddahaย isgaadhsiintaย taas oo sababtay in la garto goobta laga soo garaacay telefoonkaas ee Cawo ooย afduub laguย haystaana joogto islamarkaasna ay ciidamada u dhaceen gurigaas halkaas oo loogu tagay Cawoย oo la la’aa ku dhawaad bilย oo laba qof oo kale .
Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada booliska ay xabsiga u taxaabeen laba qof oo gurigaas joogay.
Cawo ayaa bishii hore la waayey maqal iyo muuqaalba kadib markii ay suuqa kasoo laabatay iyadoo ku socota gurigooda xaafadda macalin haaruun ee bariga magaalada hargeysa .
Sawirka hoose waa Cawo ooย lagu baafinaayey magaalada Hargeysa mudadii bisha ku dhawayd.
Oodweynenews
Hargeysa Office