JIHADEE AYUU ERDOGAN U HOGAAMINAYAA TURKIGA?

Dhaqaale xumo xoog leh iyo lacagta Liirada oo sii qiime dhacaysay mudooyinkii u danbeeyay ayaa xaalad adag galisay dalka Turkiga. Dhawr arimood oo isbiir biirsaday oo in mudo ahba soo socday ayaan u arkaa in dhaqaale xumadan Turkiga ay sababtay, walow ay xaalada uga sii dartay markii bishan horaanteedii Donald Trump libin laabay cashuurtii uu ka qaadayay birta iyo naxaasta Turkiga, balse sadex arimood oo saamayn toos ah ku leh jahawareerkan dhaqaale ee ku habsaday Turkiga ayaan ku eegi doonaa qormadan:
1) Isbadalka Nidaamka Siyaasadeed iyo Hogaaminta Erdogan: Ka hor soo shaac bixii Xisbiga AKP (Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka. Justice and Development Party) 2001dii, waxa shacabka Turkigu ku jireen wakhti adag siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, balse waxa isbadal wayni yimid ka dib markii xisbiga AKP 2002dii ku guulaystay hogaaminta Turkiga. Mabaadiidii siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba oo ay dhidibada u taageen hogaamiyayaashii siyaasadeed ee  xisbiga sida Tayib Erdogan, Abdala Gul, Ahmet Davutoğlu iyo xeeldheerayaal kale oo badan waxay soo hooyeen guulo badan. 2003 ilaa 2014 xisbiga AKP oo hogaanka ay u hayeen kooxdan uu madaxda u ahaa Erdogan waxay Turkiga gaadhsiiyeen hourmar dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo iyagoo xidida u saaray militariga oo faraha kula jiray siyaasada dalka. Maxaa iska badalay Turkiga 2014kii ka dib? waa mudada u baahan in si fiican loo fahmo waxa isbadalay. Mudo 11 sano oo Erdogan hogaanka hayay, waxa 2014 hogaan xibiga AKP iyo Raysal Wasaarihii dalka la wareegay Ahmed Davutoglu oo ahaan jiray la taliyii dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada ee Erdogan, wasiirkii arimaha dibada iyo mid ka mid ah ruug cadaayadii hormuudka u ahaa horumarka dhaqaale iyo daganaanshaha siyaasadeed ee ka hirgalay Turkiga,  Erdogana waxa loo magacaabay m/weyne sharafeedka (ceremonial president). M/weyne Erdogan oo 11 sano soo maaamulayay wadanka, marnaba kuma qancin in awooda dawladeed farihiisa ka baxdo. Wuxuu u ololeynayay in hanaankii baarlamaaniga ahaa (parliamentarian form of government) loo badalo hab madaxtooyo (presidential system). Tani waxay sababtay in ragii ay soo wada shaqeeyeen layska hor yimaado, kana tagaan shaqada, damaciisii xukun-jacaylkuna u hirgalo. Isku daygii inqilaab ee milateriga 2016 ayaa fursad u noqotay inuu Erdogan uga faa’idaysto in xukunku gacantiisa soo galo ilaa uu nidaamkii u badalay siduu rabay oo ah hab madaxtooyo. Xisbigii AKP way ka huleeleen ruug-cadaayadii wadanka soo dhisay, wuxuuna isku badalay aalad uu ku shaqaysto Erdogan. Hogaaminta Erdogan ee Turkey waxay isu badashay siyaasada (strongman politics) oo ah in awooda dawladnimo gacan u gasho hal qof, waana ta keentay inta uu ka tago xeel-dheerayaashii wadanka la soo dhisay uu ku badalo wasiirka dhaqaalaha oo ah wiilka uu sodoga u yahay. Nidaamkan cusub ee Erdogan uu Turkiga ku hogaaminayaa waxay u sahlaysaa inay meesha ka baxdo hanaankii isla-xisaabtanka, dheelitirka hay’adaha dowlada iyo in musuq iyo wax is dabamarin ka dhacaan hay’adaha dowlada. Turkigu wuxuu galay marxalad cusub oo keeni karta daganaansho la’aan siyaasadeed iyo in meesha ay ka baxdo horumarkii dhaqaale ee in mudo ah soo dhismayay.
2) Dhinaca Dhaqaalaha: Sanadkii hore bishii May 2017 mar aan booqasho gaaban ku tagay Turkiga. Sarifka lacagta waxa $1 lagu badalayay 3.62 Turkey Lira ($1 = 3.62 TL) maanta waa $1 = 5.8 TL. Tani waxay muujinaysaa heerka qiimo dhaca lacagta iyo dhaqaale xumada soo wajahday Turkiga. Waxaan sidoo kale indhahayga ku soo arkay heerka faqriga iyo shaqo la’aanta haysata muwaadiniin badan. Sanadihii ugu danbeeyay Turkigu wuxuu dibada u dhoofinayay ilaa $157 billion sanadkii. Dhaqaalaha wadanku lama mid ah ka Ruushka iyo Sucuudiga oo aad ugu tiirsan saliida, balse waa dal dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay warshadayn, wax soo saarka beeraha iyo adeegyada kala duwan sida gaadiidka, bangiyada, iwm. Waxa lagama maarmaan u ah dhaqaalaha Turkiga inuu helo maalgashi gudaha iyo dibada, taasi oo u baahan aaminaad iyo ku kalsoonaan nidaamka siyaasad-dhaqaale ee wadanka. Awood maroorsiga Erdogan iyo daganaansho la’aanta siyaasadeed waxa laga yaabaa inay adkayso in maalgashadayaasha ku dhiiradaan inay maalgashi sameeyaan. Dhinaca kale, ka dib inqilaabka milateri ee fashilmay, Erdogan isagoo uga faa’idaysanaya marxaldaas wuxuu albaabada u laabay shirkado badan oo ay lahaayeen ganacsato uu neceb yahay, taasi oo sii kordhisay shaqo la’aanta iyo hoos u dhaca dhaqaale.
3) Kharashka Gaashaandhiga iyo Isbalaadhinta Milateri: Turkigu waa dal dhaqaalihiisu soo korayo oo aan awood badan u lahayn inuu sameeyo is balaadhin milateri. Marka laga yimaado dagaalada Ciraaq iyo Suuriya ee ay faraha kula jiraan, M/wayne Erdogan wuxuu isku balaadhiyay milateri ahaan meelo badan oo caalamka ah taasi oo uga baahan inuu dhaqaale badan ku wado. Sanadkii 2017 iyo horaantii sanadka 2018 miisaaniyada gaashaandhiga Turkiga waxay korodhay ku dhawaad libin laab Waxa intaas u sii dheer soo iibsiga hubka ee uu ka soo iibsado Maraykanka iyo Ruushka oo lacag badani ku baxdo waxa tusaale u ah in sanadkan Turkigu soo iibsaday gantaalaha difaaca S-400 oo qiimihiisu dhan yahay $2.5 billion. Kharashka badan ee ku baxaya milaterigu qayb wayn ayuu ka yahay dhaqaale xumada soo food saartay Turkiga.
Ugu danbayntii su’aashu waxay tahay; Jihadee ayuu M/weyne Erdogan u hogaaminayaa Turkiga? waxay aniga ila tahay in Erdogan qorshaystay inuu xukunka ku sii dhaganaado ilaa 2028, taasina laga yaabo inay dhabaha u xaadhi doonto in wadanku ku dhaco xaalad aan la qiyaasi karin. Dhaqaale xumada imika jirta iyo awood maroorsiga Erdogan waxay horseedi kartaa khal khal siyaasadeed iyo dib u dhac dhaqaale.

Mohamud Sh Cabdi Yusuf (Geedwareershe)

Minneapolis, Minnesota, USA

geedwareershe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker