Wararkii ugu dambeeyay ee Ceelbuur oo shalay ay ciidamada dowladda Somaliya la wareegeen

Wararka ka imanaya magaalada Ceelbuur oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowlada ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay ka wadaan baritaano.

Wasiirka warfafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay magaalada ka wadaan howlo miina-baaris ah si amniga loo xaqiijiyo.

Mr Abshir ayaa intaa ku daray in maadaama ay shalay xilli dambe magaalada qabsadeen ciidamada dowladda ay imika xaqiijinayaan amniga guud ee magaaladaasi.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in gebi ahaanba magalada laga qaxay oo aysan wax dad ah joogin, isaga oo sheegay in Al-shabab ay”dadka ku qasbeen” inay magaalada ka baxaan si ay gabaad uga dhigtaan.

Wasiirka warfafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sidoo kale BBC u sheegay in imika uu socdo diyaargarow lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Galhareeri.

Quote Message: Ceelbuur shalay aya la galay miina baarid ayaa ku socotay ilaa xalay ilaa maanta, loona diyaar gareynayo in dowladda iyo madaxda timaado from Abshir Cabdi Sheekhow Wasiirka warfafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow

Abshir Cabdi SheekhowWasiirka warfafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker