Camaladuna ugu kheyr badan yihiin ( TOBANKA DUL -XIJA!). 2aad

Maqaalka qormadan oo noqon doona qormadii labaadee aynu wadaagi doono maalmaha uu ALLE  in camal la qabto ugu jecel yahay , camaladuna ugu kheyr badan yihiin ( TOBANKA DUL -XIJA!).

 

Qormadan waxaynu ku soo qaadan casharo aynu ka baran karno Quraanka kariimka ah. Sida aynu maqaalo hore ku soo aragnay barashada macnaha Quraanku waa mid aad u muhiim ah. Sidaas awgeed maalmahan ugu qiimaha badan waxa lagu qaabili karaa barashada iyo barista kitaabka ugu qiimaha badan ee ALLE soo dajiyay.Inaga oo soo qaadan doonaa laba cashar oo kooban.

 

Casharka koowaad (ALBAQARA 37)  (AL-ACRAF 23)

 

Marka aad akhrido Quraanka adiga oo dhuuxaya waxa aad arki doontaa indadka ugu qiimaha badnaaadduunyadan ( Ambiyada ) ay ALLAHOOD weydiisan jireen inuu u dembi-dhaafo!

Markii ay Adam iyo Xaawi ay geedii cuneen ayaa Adam waxa uu ka helay RABBIGII kelmado . Kelmadahaas oo ah kuwa ku sugan suuratul (ACRAAF aayada 23) , oo macnaheedu yahay si kooban:

Waxay yidhaaheen (Adam oo ahaa aabahii bina’aadamka iyo hooyadeen ) 《..RABBIGA-YAW nafahayagii waanu dulminay markaanu ku caasinay ee aanu maqalnay hadalkii IBLIIS , ee hadaanad noo dembi-dhaafin oo aanad noo naxariisan ; waxaanu ka mid noqon doonaa duulka khasaaray.》

Intaa markay yidhaahdeen ayaa ALLE ku sheegay suurada (ALBAQARA 37) inuu ka aqbalay tawbadoodii.

Casharada aynu ka baran karno labadan aayadood ayaa ah :

  • Galada iyo nimcada uu ALLE inagu manaystay ee ah barista uu baray aabaheen iyo hooyadeen kelmadahan qiimaha badan. Si aynu inaguna ugaga dayano. Waayo bina-aadamka marna noloshiisa kama maqnaan doonaa gefaf-ku.

 

Dhinaca kale ambiyada sida NUUX , IBRAHIM , MUUSE ; waxay ALLE weydiisan jireen inuu u dembi-dhaafo. Sidaas darteed waxa halkaas inooga cad baahida aynu u qabno inagunadembi-dhaaf iyo naxariista EEBE.Sidoo kale ALLE waxa uu faray Rasuulkeena inuu yidhaahdo ALLAW ii dembi-dhaaf oo ii naxariiso si ay ummadiisuna ugu dayato. (MUMINUUN 118)

 

 

 

 

 

 

CASHARKA LABAAD(ALKAHF 71 ) ( MARYAM 13)

 

Nabi MUUSE markii uu doonta la raacay ninkii wanaagsanaa ee KHADAR , waxa dhacay in KHADAR uu loox ka mid ah looxyadii ay ka samaysnayd doontu uu soo fujiyay. Dabadeeto nabi MUUSE oo ka yaaban arrinkaas ayaa weydiiyay “ ma waxaad looxyada uga fujisay si ay badu u liqdo dadkan iska leh doonidan? Arrinta cajiibka ah ayaa ah sida uu nabi MUUSE u yidhi hadalka , waayo waxa hadalkiisa ka muuqdainuuisagu is-ilaabay. Ma uu odhan si ay dhammaanteen badu inoo liqdo balse waxa uu keliya yidhi (dadkeeda iska-leh) . Taas oo ina tusaysa naxariista ay lahaayeen Ambiyadu.

Waxa xusid mudan in ALLE nabigeena MUXAMAD(SCW) uu ku tilmaamay inuu yahay naxariis loo soo diray CAALAMIINTA.

 

 

Caharada aynu ka baran karno aayadan ayaa ah:

  • Heerka ay taagnayd naxariista ambiyada iyo sida ay nafahooda ugu horumarin jireen dadka kale.
  • ALLEwaxauusurada (MARYAM 13)kusheegayinuunabiYAXYENaxariistaasoosabab u noqon doonta in uu dadka u dhibirsanaado , kheyrkana ugu yeedho ; xumaantana ka waaniyo.

 

In la isku naxariisto waa dhaqan ay diintu dhiirigalisay , sidaas darteed waxa jira dad isku deyainayqariyaan deeqda EEBE ee ah inuu ka dhigay qaar naxariis leh oo ay damqayso wax kasta oo soo gaadha ehel-kiisa iyo walaaalihiisa Muslimka ah. Waxaana xaqiiq ah in caalamkan aynu joogno ay jiraan xad-gudubyo , dulmi , in la isku awood sheegto iyo dhaqamo tiro badan oo li-di ku ah isku naxariisa-shada ay dhiirigalisay diinteenu. Taas oo ku kalifaysa qofka inuu iska tir-tiro naxariistii uu lahaa si uu u ilaashado xaquuqdiisa. Balse sida ku cad labadan aayadood , in qofku noqdo mid naxariista waa mid magac iyo maamus u soo jiidi doonta qof-kaas sida ku cad sheekada labadaas Nebi, kuna  heli doona naxariista EEBE , waayo ALLE waxa uu u naxariistaa cida adoomihiisa u naxariista ; sida ka sugan Rasuulkeena (SCW)

 

إنمايرحماللهمنعبادهالرحماء

البخاري

 

 

Xidhmada maqaalka waxaynu iskul dar-daarmaynaa inaynu gefaf-ka inaga dhaca aynu ka tawbad keeno , sidoo kalena gefaf-ka inaga soo gaadha dadka

inaynu ka saamaxno. ALLENAweydiisano  inuu inoo naxariisto , sida ay samayn jireen duulkii inaga horeeyay.

Dhinaca kale inaynu isku naxariisano oo aynu hadal iyo dhaqan wanaagsan aynu bulshada kula dhaqano , waxaynu ku gaadhi karnaa horumar fara badan oo ay ugu weyn tahay helista naxariista EEBE, inaynu is-qadarino isna caawino ; oo aynaa isku-xadgudbin isna dulmiyin.

Taas oo inaga saaraysaa xanuun inagu dhacay oo keenay in qof-kastaa ay mashquulisay dantiisii ama uu noqday danayste , oo ay yaraatay is-taakulayntii u dhaxaysay bulshadu. Ha xad-gudbin hana bakhaylin!

 

 

Waxaan ka soo qaatay afartan buug:

تفسير الوسيط

تفسير القرطبي

تفسير الزهراوين للمنجد

تيسيرالمنانفيقصصالقران

 

F.G

Maqaalka qormadani kama turjumayo aqoon aan u leeyahay cilmiga TAFSIIRKA , balse keliya wuxuu dhiirigalinayaa barashada cilmigan qaaliga ah ee TAFSIIRKA maalmahan qaaliga ah.

 

LA SOCDA QORMADA DAMBE.

 

https://medium.com/@Kadim

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker