Ciidamadda DAMDAMISKA Ayaa Ka War-bixiyay Hawl-galo Samata-bixineed Oo Ay Sameeyeen.

 

Hargaysa:(OWN)-Taliska Ciidamadda Damdemiska Somaliland,ayaa ka hadlay hawl-galo samo-ta-bixin ah,kuwaas oo ay sameeyeen Saacadihii u danbeeyay.

War qoraal ah oo uu ay soo saareen Ciidmadda Demdemisku,waxay sheegeen inay ku guulaysteen fulinta lix Hawl-gal,kuwaas oo ay ka mid yihiin Wiil Yar oo ay meydkiisa kasoo saareen DAAM biyood ku yaalla Koonfura Magaaladda Hargaysa,Booyad Shidaal oo Dab-qabsdsay iyo Gurriga Caruuri ku jirto oo Gubtay.

Warka kasoo baxay Xafiiska war-baahinta ee Ciidanka Dambemiska,ayaa waxa lagu yidhi ;Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa sameeyay hawlgalo tiro badan oo  ahaa Lix Hawlgal, kuwaas oo ka dhacay Degmooyinka Hargeysa iyo Deg/Wajaale.

Ugu horayn Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa isagoo Dabbaalanaya ku dhintay Balli ku yaalla Koonfurta Magaalada Hargeysa, Ciidanka ayaa Maydka Wiilkaas yar ka soo saaray Balliga iyadoo xubnaha ciidanka Dab-demisku adeegsanayaan xirfada samatabixinta iyo badbaadada. Hawlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay Xubnaha Taliska Dhexe iyo Xarunta M/Haybe.

Hawlgalka labaad ayaa ciidanku kaga hawlgaleen Laba Caruura oo Hooyadood guriga dusha kaga xidhay, kadib guriga dab qabsaday iyadoo Caruurtiina guriga hoosta kaga jiraan, Markii yeedhmadaasi soo gaadhay Qolka Hogaaminta, Ciidanka Dab-demisku si degdega ayay uga hawlgaleen waxaanay caruurtaas ka soo samatabixiyeen guriga.

Sidoo kale, ciidanka ayaa damiyay dab weyn oo ka kacay gurigaas waxaanay ciidanku ku guuleysteen inay dabkaas damiyaan kana xakameeyaan Qolalka inta kale.

Degmada Wajaale ayaa Ciidanka Dab-demiska ee Degmadaasi ka hawlgaleen Booyad Shidaal sidday oo Qallibmantay iyadoo sababtay Gubashada guryo ka agdhwaa goobtaas. Ciidanka ayaa damiyay booyadaas waxaanay ka joojiyeen dabkii inuu ku fido goobtaas waxyeelo intaa ka badana geysto.

Ciidanka Damdamiska Somaliland,waaxay Bulshadda,gaar ahaana Hooyiinka usoo jeediyeen in aanay Caruurta Guryaha lagaga dagayo aan Dusha lagaga sii xidhin,waxa kale oo ay ugu baaqeen Waalidiinta inay Caruurta Ililaaliyaan Xili Roobaadyadan ay Baliyada Biyuhu fadhiistaan.            

 

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, child, outdoor and natureImage may contain: outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 1 person, standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker