CIMRI TEGEY CEEB LAGUMA SABOOTIYO!!! QOORMO TAXANE AH.

Waxa gurmad qaaylo -dhan ah isugu habar wacdey rajiimki dalka boobey waxa dalka dib ugu so laabtey madaxweynihi horre Mr. Siilaanyo oo la  baxay naaneysta “aabihi 1aad Ee musiqmaasuqa S/land” sida la sheegaayo waxa duduucaya haweenki Iyo ragii dalka iyo dadka boobey mudadii xilka uu hayey Ee todobada sano ahaayd.
Waxa Si arxan daro  ah loo laba gacmoodiyay hantidi dhulka guudkisa saarneeyd iyo khaayradki dhulka Ku duugna dadka aqoonta durigsan u leh arrimaha muusuq maasaqu waxay boobka dalka Ka dhacay todobadi sanadood Ku macneeyen ama Ku masaalen dadki dalka boobey dad aan dib ugu so noqoneeyn wadanka sidi shini caaydha ugu habsadey hantidi umada iyaga oo kaashanaaya shirkado xawaladeed oo wadaniyin sheegta ceebtan Iyo foolxumidan tuugada ah dadku ma wada laha  lakin waxa aabo Iyo hooyo u ahaa rajiimki silaanyo.
Hadab waxa wiigi dhawa warbixi hordhaca musuqmaasuqi todobadii sanadood ee silaanyo dalka xukumayey  dhacay soo saarey, gudi hoosadka golaha wakilada u qaabilsan dabo galka musuqmaasiqa, warbixintaas Oo shacabka Somaliland Ee uu ragadiyey maamul xumida Iyo kala qaaybintu aya Ku diirsadey una so dhaweyey warbixintaas, shacabka oo quus Ka taagna sedexda djardhaar Ee xukumadu Ka koban tahay aya gudidan baarlamqnku u mujiyen rajo irbad daloolked Ka muuqata, arrintan hadii aney Ka hadhin golaha wakiladu sababi karta in dib lo so doorto lona arki doono madax dadkoda Iyo dalkoda u danqadey.
 Lakin shacabku wadnaha ayey farta Ku hayan oo waxey isleyihiin wa mashruucani wa mashruuc  dhaqdhaqaajin dhameel oo mudoyinkan danbe barlamaanka waxa la so darsey busaarad xaga mooshinad ah.
Si kastaba ha ahaate wexaynu eegi halka uu salsgigo cadeymahan hordhaca ah Iyo gurmaska xaaran quutayashi isugu habar wacdeen. Ugu danbeynti.
 Qoormadan oo aan Ku so bandhigi doono hantidi maguurtada ahayd Iyo tii guurtada ahayd Ee dalka laga  boobey midadii todobada samo ahayd Ee rajiimki silaanyo  Iyo shirkadihi Ka qeeyb qaatey, la  socod fican…………
Qalinki:- Khadar Kaariye Cune
kkaariye05@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker