Kooxda Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Sheekh Aadan Sunne oo Dhawaan Somaliland Ka Baxsaday Hanjabaadna Soo Diray
Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa markii u horeysay kasoo muuqday warbaahinta xarakada Al-Shabaab eek a dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo uu jeedinayo muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo uu ku faahfaahinayo sababihii keenay inuu ka baxsado magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland isaga oo dhinaca kalena hadalkaasi uu jeedinayay Hanjabaado iyo eedo ku jeediyey kuan faahfaahiyay sababta uu Somaliland uga tagay ee uu u doortay in uu ku biiro kooxda Alshabaab.
Sheekh Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqayna in qeyb laga noqdaan wax uu ugu yeedhay jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan kooxda Shabaab oo uu ku sheegay in uu yahay mid xaq ah oo mudan in lagu biiro.
Sheekhan Xag-jirka ha ee dhawaan Somaliland ka baxsaday kuna Biiray kooxda Alshabaab Waxa uu sheegay in Somaliland oo uu ka yimid gaar ahaan Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikradaha gaalada, islamarkaana ciddii ka hadasha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xadhig ah, sida uu sheegay wadaadkani.
“Nolosheyda inta ay jirtay ma arkin Laamiga madow ee bariga Burco kasoo baxa, marka waxaa isoo kiciyay waa Mabaadii’da aan aaminsanahay ee baryahan iima qorsheysneyn in aan halkan imaaddo (Deegaanada Shabaab),” ayuu yidhi wadaadkani.
Waxa uu sheegay oo uu ku dooday in uu ku nabad-geli waayay xaqa sheegistiisa gudaha Somaliland, una usoo hijrooday sida uu hadalka u dhigay dhul uu xor ku yahay oo lagu maamulo Diinta iyo Sharciga Islaamka sida uu ku nuuxnuxusaday.
“Dalka lagu magacaabo Somaliland ee shalay ahaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyay bur-burkii si fiican ayaa waxa fasax loogu siiyay hay’addaha NGO-ga iyo kuwa gaaladu ka dambeeyaan.” Ayuu yidhi mar uu si gaar ah uga hadlayay Hay’adaha reer Galbeedka eek a hawl gala dalka Somaliland.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay gudaha Somaliland ay ka jiraan goobo lagu dhigo diimo reer galbeed, ayna ogyihiin madaxda sare ee wax uu ku tilmaamay maamulka oo uu ula jeedo xukuumadda Somaliland isaga o sheegay in ay daboolaan waxa goobahaasi ka socda, sida uu hadalka u dhigay.
“Dhulka Wilaat-yaadka Islaamka waa meel aad u horumarsan oo lagu dhaqmayo kitaabka iyo sunnada ilaahay. Waxaan halkan u yimid in dadka lagu hogaamiyo manhajka Ilaahay usoo dajiyay addoomada.” Ayuu yidhi isaga oo dhinaca kalena ugu dambayn sheegay ama muuqaalkiisa kaga hadlay inuu si cad kooxda Al-Shabaab ugu garab taagan yahay wax uu ku sifeeyey jihaadka dhabta ah, islamarkaana uu qeyb ka qaadan doono sidii dalka loogu maamuli lahaa Diinta Islaamka.
Wadaadkan lagu magacaabo Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa muddoba dhawr jeer waxa hore loogu xidhay caasimadda Hargeysa waxaana muddo kadib dhawaan lagu war helay isaga oo dalka isaga baxay si rasmi ahna u sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab.