SOMALILAND SIDEEBAYNU QOOQA INAGA DHEX SOCDA UGA BADBAADINAA EE AH REER HEBELBAA DALKA LEH.

Binu Adamka Allah baa abuuray cid uga aqoon roonina ma jirto wuxuu Quraan ku sheegay in Ay Binu Aadamku si degdega u qooqaan oo dabadeed ay hubaal ku dumaan qooqaas. Had iyo jeer SOMALILAND nimada waxaa ka baxa dadka adduunyo raadiska,  dhaqaale boobka ku kaca.  Somalidu waxay tidhaa AWR HEERYADIISA CUNA KUD HA DILEE WAAYAHA DAMBUU KURUSKU HOOLMAA. SOMALILAND XUKUUMADDAHA HOGAANKA HAYA CAQLIGII BAA ABAARI KAGA DHACDAY OO FOOSTO GUN LA BAY DHAAMINAYAAN WAAYO SHAKHSIYAADKII SHALAY WAX BOOBAAYEY MAANTANA WIXII AY BOOBEEN BAY DIB U XARAASHAYAAN SI AY KURSIGII DIB UGU SOO NOQDAAN, XUKUUMADDA MAANTA JOOGTAA IYADU BOOBKII IYO AFXUMADII WEYBA SII LABA KACLATSAY OO DABBAALDEGYO MADAXDII XUKUUMADDU KA DHEX MUUQATO AYAA LEH SOMALILAND REER HEBEL BAA LEH.

TIGRAYGA WAXAA HAYSTAA XUKUNKA ETHIOPIA WAXAY HAYSTEEN 17 SANO MARKAASAY XOOLIHII GURTEEN, QOOMIYADHII ISKU DIREEN  WAA OGAYDEEN INTAY TUULO AAN WAR IYO WACAAL HAYN HAREERAA ISKA TAAGEEN INAY XASUUQEEN YAR IYO WEYN WAA JAAMAC DUBBAD TUULADII IYO TUULOOYIN BADAN OO ETHIOPIA AH. TIGRAYGU XUKUNKA MARKUU HAYSTAY WUU QOOQAY MAANTANA WAXA HAYSTA WAA ARAGTAAN SOMALILAND HADDAAN QOOQA LA JOOJIN WAXAASOO KALAA SOO SOCDA HUBAAL.
Fikirka shalay ka soo muuqday baraha bulashada shalay EE dabaaldegga laga lahaa dalka yaa leh reer hebelbaa leh waa (poison ideology) iyadoo Tegraygii aynu aragnay WADANKA SOMALILAND waxay DAREEN siinaysaa in cid WALBA hub urursato, maalgelintu istaagto, ciidamadu kala shakiyaan , culimadu caajis ku dhaco. Dadka fikirkan qaba reer hebel baa dalka leh waxay samaynayaan Madaxweynihii oo awelba wada shaabad lahaa in imikana todobaadkasta shaabad kale ku dhufataan oo marka dambe meel shaabad lagaga dhuftaba la waayo oo uu buuxsamo.
Arintuna Madaxweyne Muse Biixi uun maaha e Madaxweyne kasta oo yimaaadda oo fikirka SOMALIYI KA SIMANTAY XAMBAARSAN OO AH ‘  ADIGU WAX ISTAR REERKIINANA WAXTAR TAASOO BILAA XADA WUXUU DUMINAYAA DIINTII, XADAARADDII ,NIDAAMKII, DAWLADNIMO  SAQAAFADDII IYO ILBAXNONADII ‘ waana arinka wadankeena dabarka ku ah oo maanta dhinac laga dhaafaa jirin.
Waxaa ina HAYSTA maanta Tijaar jaahiliina, Culimo Caajis ah Madax xoolo urursi ah intuba HOOSTAY ISKAGA XIDHINYIHIIN.
WAXMA GARATADA SHALAY KU HEESAYSAY REER HEBELBAA SOMALILAND LEH WAA BISADDII SOOFAHA LEEFTAY WADANKANA MUGDI BAY UGU BAAQEEN HADDII MADAXWEYNUHU KA AAMUSO ARINTAA INAGOO OG INUU MARAR BADAN QOF PUBLIGA TOOS UGU JAWAABAY WAXAY NOQONAYSAA WUU KULA SOCDAA FIKIRKAA SUNTA KU SOMALILAND.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker