Dalka Qatar Oo Markii U Horaysatay Ku Guuleysigooda Koobka Asian Cup

Dalka Qatar ayaa markii ugu horreysay tariikhdooda ku guuleystay Asian Cup 2019 kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Jaban.

 

Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Cafiif ayaa kulankan shaqo fiican ka qabtay kaasoo u sahlay in xulka Qaranka Qatar uu ku guuleysysto koobka Asian Cup, kadib markii uu dhaliyay gool, isla markaana uu caawiyay 2 gool kale.

 

Goolasha wiilasha Qatar ayaa waxaa u kala dhaliyay Almoez Ali, Abdulaziz Hatem iyo Akram Cafiif daqiiqadihii (12, 27 iyo 83) sida ay u kala horeeyaam.

 

Halka goolka qura ee dalka Jaban uu u dhaliyay daqiiqadii 69-aad xidigooda Takumi Minamino.

Hadaba Dalka Qatar oo markii ugu horeesay tariikhdooda ku guuleystay Asian Cup ayaa ugu dambeyn u dabaal dagay koobkii la gudoonsiiyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker