Xasuusaha Aan Dugoobin Ee Ilaa Iyo Hadda Loo Daawasho Tago Ee Qisada Jacaylka QAYS Iyo LAYLA

Qisada Jaceylka Ah Ee Qays Iyo Layla Xilligay Iyo Xasuusaha Aan Dugoobin Ee Ilaa Iyo Haatan Loo Daawasho Tego .

Xaqiiqdii waxa jira qisooyin Jaceyl ah oo Taariikhda baal dahab ah ka galay isla markaana aan la iloobi karin.

 

Qisooyinka Jaceylka ah ee soo Maray Jasiirada Carabta oo ka dhacday Qarniyo ka hor oo ilaa iyo haatana ay muuqato goobihii ay lammaanahaasi Qays iyo Layla isku jeclaadeen.

 

Layla waxa ay ku noolaan jirtay Magaalada Magaceeda xambaarsan ee ku taalla Dalka Sucuudiga ee Layla waxaanay magaaladaasi u jirta Caasimada Sucuudiga ee Riyad 300 Km waxaanay ka tirsan tahay Degmada Afkaaj ee Dalkaasi.

 

Waxa ka mid ah erayada ka soo yeedhay Qays ee uu ku muujinayay heerka uu gaadhsiisan yahay Jaceylka uu Layla u hayey, “Waxaan ku meeraa Guryaha, oo aan ka dayaa Layla Qurux, Abti laba waa tane waxaan kolba dhunkadaa gidaarada gurigooda kolba mid”.

 

Qisadani Jaceylka ah ee dhex martay Qays iyo Layla waa mid ka mid ah Qisaska Jaceylka ee ugu taariikhda dheer Guud ahaan ba dadka Carabta waxaanay qisadani dhacday Qarnigii koowaad ee Hijriyada waxaanu xilligaasi ku beegnaa xilliga ay Talada hayeen Ummawiyiintu, waxaana xilligaasi Tallada Ummawiyiinta hayey Marwaan Bin Al-xakam, waxaanu Jaceylkaasi socday ilaa iyo xilliga uu talinayey Cabdilmaalik Bin Marwaan.

 

Qays waxa lagu naanaysi Jiray ‘Majnuun Layla’ oo macnaheedu yahay Ninkii u waashay Layla, Qays muu ahayn nin waalan, balse Jaceylka uu u hayey Layla ayaa heerkaasi gaadhsiiyay.

 

Qays waxa uu isku dayey inuu Layla Guursdo, laakiin qoyskeeda ayaa ka diiday, intaasi kadibna Qays waxa uu weheshan Jiray Duggaaga.

Qays Aabihii markii uu ka yaabay wiilka uu dhalay ayaa waxa uu go’aansaday inuu Xajka u kaxeeyo, markii ay Xaramka Galeen ayaa Qays Aabihii oo la odhan jiray Malluux waxa uu ku yidhi, “Qaysaw Aabo Kabcadii baad joogtaaye qabso Kacbada oo Ilaahay ka Bari inuu kaa biiyo kuna ilawsiiyo Jaceylka Layla”.

 

Qays muu maqal hadalkii aabihii ee inta uu Kacbada iska laadlaadiyay ayaa waxa uu yidhi “Ilaahayaw waxaan kaa baryayaa oo aan ku weydiisanayaa inaad ii siyaadiso Jaceylka aan Layla u hayo”.

 

Jaceylka Layla iyo Qays ma aha mid halkan aynu ku soo koobi karno balse waxa xaqiiq ah in ilaa iyo haatan loo booqasho tego magaalada layla oo buurta ku taalla ee mageecada la yidhaahdo tobaad loogu tegayo qoraalo uu qays ku qoray isagoo Layla ammaanaya sidoo kalena waxa ku yaalla Gurigii ay Layla deganaan jirtay ee Qays inta uu ku wareego gidaaradiisa kolba mid dhunkan jiray.

Ma aha qiso dhallanteed ah waana xaqiiq in Qays uu jeclaa Layla isla markaana uu u tiriyey gabayo aad u badan.

 

Halkan hoose ka dhagayso qisadaas

 

Heesta caan ka ah ee Qays Iyo Layla iyo codkii macaanaa ee AHN Faadumo Qaasim

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker