Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Inay Maanta Joojisay 1,252 Magac Oo Si Been Ah Mushahar Lagu Qaadan Jiray

Hargeysa (OWN) Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland ayaa sheegtay in 1,252 magac oo mushahar lagu qaadan jiray ay maanta joojiyeen.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharma’arke Geelle ayaa sheegay in jagooyinkan shaqo ee sida beenta ah lacagta loogu qaadan jiray la buuxin doono.

1,252 Kaalmo Shaqo oo maanta si rasmi ah loo joojiyey…

Waxa maanta wejigii koobaad si rasmi ah loo joojiyay 1,252 kaalmo shaqo oo dadkii ku mushaharka qaadanayay lagu soo waayay diiwaangelintii dhawaan ay samaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kuwaas oo hore ugu jiray jadwalka mushahar bixinta.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo muddooyinkii u dambeeyey gacanta ku haysay dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda tirada wajiga koobaad laga joojinayo mushahar iyo gunno wixi magaciisa lagu qaadan jiray.

Haddaba, diiwaangelinta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey gacanta lagu hayey ayaa lasoo diiwaangeliyey tiro dhan 14,057 halka ay markii hore diiwaanka mushahar bixinta ay ku jireen 16,533.

Faraqa oo dhammaa 2,476 ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu waday dib-u-eegis iyo kala shaandhayn.

Ugu dambayn, waxaa raq iyo ruux loo soo waayey baadhid dheer kadib tiro dhan 1,252 halkaas oo aanu maanta ku wareejinay magacdooda iyo darajooyinkooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda kuwaas oo isla saaka si rasmi ah loo joojiyey mushahar iyo gunno wixii u qornaa

Shaqaalaha kale ee dhiman oo tiradoodu dhan tahay 1,224 ayaa maalmaha soo socda iyagana siyaasad, hubin, iyo go’aamo ka soo bixi doonaan, kuwaas oo u kala baxa:

1- Dhimasho 172
2- Dhul-yaal 132
3- Waxbarasho 87
4- Fasax Caafimaad 69
5- Dad maqnaa xiligii diiwaangelinta iyo kuwo dood magac ka qaldan u socoto 764

Maalmaha soo socda waxa aanu soo gudbin doonnaa inta tiradan dhab ka noqota iyo inta wajiga 2aad iyagana laga tirtiri doono liiska mushahar qaadashada.

Waxa hubaal ah in qaran waliba guul ku gaadho sida uu u habaysto shaqaalihiisa isla markaana shaqaaluhu yihiin cidda ka shaqaysa dhinac walba oo horumarka ah.

Isla marka la dhameeyo wajiga ugu dambeeya ee kala shaandhaynta, waxa la soo saari donaa hannaanka hufan ee kaalmahaa shaqo loogu buuxin doono iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada dalku ka heli doonaan dib-u-habayntan halka shaqaalaaha dawladdana loo bilaabi doonno tayayn iyo horumarin.

Shaqaale tirsan oo tayeysan iyo adeeg hufan oo horumarsan waa hiigsi Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker