Daawo: Falanqaynta Wararka Ciyaaraha + Mesut Ozil oo Xalay Wacdaro dhaigay

Mesut Ozil ayaa u muuqda inuu dib u helayo qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee muddada ay ka weyday Arsenal, waxaana taas caddayn u ah rikoodh cajiib ah oo uu xalay ka sameeyey garoonka gudihiisa kulankii Arsenal ay 2-0 ku garaacday Manchester United.

 

Ozil ayaa dhibaatooyin badan la kulmay hal san iyo badh uu Arsenal tababare ka ahaa Unai Emery iyo dhawr kulan oo ka dambeeyey oo Freddie Ljungberg uu ku meel-gaadh ahaa ayuu waa cusub u beryay markii uu Mikel Arteta shaqada qabtay.

 

Arteta ayaa u sheegay Ozil in uu yahay libaaxa kooxda ee uu doonayo inuu garbihiisa keeno laacibiin u fududayn kara in uu bandhiggiisa ugu sarreeya la yimaaddo, waxaana astaamihii ugu horreeyey ee tababaraha farxad geliyaa ay kasoo muuqdeen laacibka reer Germany kulankii xalay.

 

Ozil oo qiimaynta labaad ee ugu sarraysa ka helay ciyaartii xalay oo uu ka sarreeyey daafaca Sokratis oo ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa garoonka, ayaa waxa uu ahaa hal-abuuraha khadka dhexe ee kubadda hore u riixayey, waxaana uu dhamaystay 90-kii daqiiqadood ee ciyaarta si ka duwan muddadii macallimiintii hore joogeen.

 

Halkas hoose ka Daawo Falanqaynta Wararka Ciyaaraha oo dhamaystiran;

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker